fernando Llorente oo badal unoqon doona R.V.Persie

Naadiga arsenal ayaa soo gashay tartanka logu jiro helitaanka xidiga atletico Bilbao ee fernando Llorente,si ay badal kaga dhigto xidigeedii hore ee kabtan RVP oo si rasmi ah kaga mid noqday xidigaha Manchester United.

Arsenal ayaa tartan aad u adag kala kulmi doonta naadiyo dhowr ah oo aad u daneeynaya saxiixa ciyaaryahankan waxaana ugu horeeya naadiyada Juventus,Man city.

fernando Llorente ayaa diiday inuu naadigiisa usaxiixo heshiis cusub,sidaa darteed Bilbao ayaa dooneeysa in xidigaan ay iibiso maadaama qandaraaskiisa uu kaharsanyahay halsano,sidaa darteed waxay dooneeysaa ineey ka faiideeysato oo ay lacag fiican kuhesho kahor intuusan beeca xorta ah kaga dhaqaaqin.

Bilbao ayaa naadiyada doonaya saxiixa ciyaaryahankan kadalbatay ineey miiska soo saaraan qiimo dhan 20 million oo Euro.

Juventus ayaa xidigan ku dooneeysa qiimo dhan 12Million halka Arsen Wenger uu sheegay inuu diyaar layahay lacagta ay dooneeyso Bilbao,taas ayaana laga yaabaa ineey usahasho helitaanka xidigan dheer xooga badan kubadahana sida wanaagsan u kontaroola.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here