Ferguson: Waan jeclaan lahaa in dib aan u soo iibsano Ronaldo

Macalinka kooxda Ingiriiska Manchester United  Sir Alex Ferguson ayaa qiray in uu jeclaan lahaa siddii dib loogu soo celin lahaa Old Trafford xiddigga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Ferguson ayaa sheegay Ronaldo in uu jecel yahay sii joogi taaganka  Real Madrid, laakin uu rajo wayn ka lee yahay siddii uu ugu soo laaban lahaa Old Trafford.

Ferguson ayaa yiri : “Waan jeclahay in aan arko, siddii uu mar kale uu u immaan lahaa halkan, maxaa yeelay fursad ayaa u bannaan.”ayuu yiri

Ronaldo heshiiska uu la joogayo kooxda Real wuxuu ku egyahay  sannadka 2015, waxana ay hadda ku rabtaa £120million.

Laakin kooxda  Man United ayaa ku iibisay £80milyan sannadkii 2009-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here