Ferguson oo soo dhaweeyay soo labashaada Rooney iyo Rafael

Tababaraha kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa sheegay Wayne Rooney iyo Rafael in ay dib tababarka ugu soo laabeen, iyagoona isku diyaarinaya ciyaarta ay la lee yihiin Axad berri kooxda Manchester City.

Rooney ayaa maqnaa labadii kulan ay ciyaartay kooxda Man Unnited, halka Rafael laga saaray ciyaarta qaybtii koobaad kulan 1-0 kaga adkaadeen kooxda Sunderland Sabtidii horre.

Nemanja Vidic iyo Jonny Evans ayaan tababarka soo xaadirin Khamiistii markii ay ka dhaawacmeen garoonka Stadium of Light, laakin weli lama sheegin in ay ka maqnaanaan ciyaara Old Trafford ka dhaceysa Isniinta.

“Wayne iyo Rafa tababarka saaka aroortii waa ay joogeen xaaladooda caafimaad aad ayey u fiicantahay,” Ferguson ayaa yiri.

Wuxuu intaas ku daray “Rajada aan qabno waxa ay tahay in kulanka Isniinta ay diyaar yihiin, balse lama hubo Jonny Evans iyo Nemanja Vidic laakin wax kasta waxa ay kala cadaan doontaa Sabtida maanta.”

Ferguson ayaa la kulmay dhaleeceen sida uu u xulay kooxda ciyaartii FA Cup ee quarter-final oo ay la lahaayeen Chelsea Isniintii taas laga badiyay United-ka.

Ferguson ayaa sidoo kale ammaanay ciyaartoydiisa, wuxuuna sheegay in ay sabab u yihiin 15-dhibcood oo nadiif ah in ay ka horeeyaan kooxda ku soo xigta ee Man City.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here