Ferguson oo dhaleeceeyay qaab Ciyaareedka Rooneey

Tababaraha kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson, ayaa warbaahinta dalka Britain u sheegay in Rooneey laga qubi doono Ciyaartoyda joogtada ah ee kooxda hadii uu sidaan kusii socdo, Rooneey ayaa labadii ciyaar ee ugu danbeysay waxa uu ciyaarayay qadka dhexe, waxaana sidoo kale badal lagu sameeynayay ciyaarihii ugu danbeeyay.

Warbaahinta sida weyn uga faaloota Ciyaaraha ayaa baryahaan hadal haayay in Rooney uu kusii jeedo naadiga ka dhisan dalka Faransiiska ee PSG, laakiin macalin Ferguson ayaa sheegay in arintaas waxba aysan kajirin, Wayne Rooneey uu sii joogo doono naadiga shayaadiinta cas cas.\

Ferguson, ayaa la weeydiiyay Mustaqbalka Rooneey iyo ka ciyaaritaankiisa qadka dhexe, waxaana uu macalin Sir sheegay in isaga uu udoortay inuu booskaas ciyaaro, islamarkaasna uu ka saaciday ineey ka adkaadaan naadiga Stock, sidoo kalena qadka dhexe la ciyaarsiin doono ciyaarta soo socota ee Astonvila ay la ciyaari doonaan.

Ferguson, ayaa badalka uu ku sameeyay Rooneey ciyaartii 3aad oo isku xigta ku sababeeyay in uusan u ciyaarin si wanaagsan.

“Rooneey uma ciyarin si wanaagsan sida Kagawa oo kale, waxaa jirtay ciyaaro badan oo uu Rooneey ka wanaagsanaa dhamaan ciyaartoyda, lakiin kulankii Westham waxa uu ahaa mid soo bandhigay ciyaaro wanaagsan” sidaa waxaa yiri Sir Alex Ferguson.

Bashir Addow

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here