Ferdinand: Bale wuxuu u dhow yahay Messi ama Ronaldo

Difaaca kooxda  Manchester United Rio Ferdinand ayaa sheegay Gareth Bale in uu yahay xidig wanaagsan oo ka agdhow ciyaar yahanada Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo.

Ferdinand ayaa sheegay xidigga Tottenham in labada  ama seddaxda xilli ee soo socda in uu la mid noqon doono Messi iyo Ronaldo.

Kooxda Spurs-ka ayaa soo bandhigtay ciyaar aad loo jecleestay, waxaana ay kaalin fiican ay kaga jiraan horiyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Xidiggan reer Wales ayaa guul wayn kooxdiisa ay ka gaartay garoonka Old Trafford, markii ay xasuuqeen kooxda Red Devils.

Ferdinand ayaa sheegay in 23-jirkan uu la soo baxay ciyaar aad loo jecleestay oo muujineysa in uu noqon karo ciyaar magac iyo maamuus ku leh kubadda cagta.

Ferdinand ayaa ku qoray bogga Tweeter-ka: “In dad badan ay aamin san yihiin  Bale uu ku dhow yahay  heerka CR7 + Messi waliba labada ama seddax sanno ee soo socda .” ayuu yiri

Naadiga The Gunners ayaa u safraysa Spurs Axada soo socota , haddii ay ka badiso waxa hubanti noqonaya in macalin Arsene Wenger’s iyo kooxdiisa ay ka haraan is-reebreebka horiyaalka  Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here