Fellaini oo ka tacsiyeeyay ceyriintii Moyes

Fellaini oo ka tacsiyeeyay ceyriintii Moyes
Fellaini oo ka tacsiyeeyay ceyriintii Moyes

Cayaaryahanka qadka dhexe ee Manchester United, Marouane Fellaini ayaa sheegay in uu ka xumaaday shaqada laga ceyriyay macallinkii hore ee kooxda David Moyes,isagoona ku tilmaamay mid murugo leh.

Tababbarihii horre ee Scotish-ka ayaa la ceyriyay isagoo 10 billood la jooga Man Unt kaddib lix sanno oo qandaraas ah oo uu saxiixay.

Macallinkan ayaa loo arkay ma gudbe waayo wuxuu la kulmay guuldarrooyin aad qaraar u leh, waxaa ka mid ahaa isagoo laga reebay horyaalka Yurub sidoo kalena horyaalka Premier League, meel xun ku gashay.

Fellaini, ayaa noqday cayaaryahankii ugu horreeyay ee uu la soo wareego Moyes tan iyo markii kooxda loo dhiibay, wuxuu ka keenay Everton isagoona ka soo bixiyay £27.5 million (€33.5m), balse fursado badan lagama siin kooxda ka dhisan Old Trafford.

Wuxuu la soo qaatay shan sanno oo ay isla joogeyn garoonka Goodison Park, cayaaryahanka ree Belgium ayaa qiray in uu ka niyad jabay wadashaqeynta Moyes in ay dhammaatay.

“Toddobaadkii horre waxa ay ii ahayd anniga mid aad u adag, maxaa yeelay macallin aan isku dhownahay ayaan ahayn Moyes, waxa ay ii ahayd maalin murugo leh balse waa kubadda cagta uun, natiijadu waxa weeye in kooxda ay xulato qofka ay rabto,” Fellaini ayaa siddaas u sheegay MUTV isagoo ka hadlaayay kulanka Sabtida maanta ay la lee yihiin Sunderland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here