Weerar yahanka kooxda Manchester United Federico Macheda ayaa si amaah ugu biiray kooxda Germalka ka dhisan ee Stuttgart illaa inta u dhammaanayo xilli ciyaareedka 2012- illaa 2013-ka.
Kooxda hoggaamineysa horiyaalka Premier League ayaa heshiis la gaartay kooxda kaalinta 10-aad ku jirta horiyaalka Bundesliga,
21-jirkan oo boos ka waayay kooxda Shayaandiinta cascas ayaa ugu dambeen heshiis la gaaray kooxda reer Germany.
Ciyaaryahanka reer Italia ayaa hoggaaminaya gooldhalinta kooxda United isagoo leh 21-gool, waxana uu ka soo muuqday seddax ciyaar.
Macheda ayaa si amaah u tagay QPR iyo Sampdoria, laakin dhowr cisho ayuu joogay, markii uu tagay Germalka ayuu Macheda wuxuu yiri aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan imaado.
“Waxan ku faraxsanahay horriyaalka Bundesliga iyo in aan ka mid noqdo kooxda Stuttgart,”ayuu Macheda u sheegay website-ka kooxda .
Wuxuuna intaas ku daray in uu aad ugu faraxsan yahay in uu u ciyaaro kooxda .
Macheda ayaa loo xiri doonaa lambarka 14 ee naadiga Stuttgart.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com