Faysal cali waraabe oo ka hadlay wadahadalada somaliya iyo somaliland

Faysal cali waraabe
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta u waramaya saxaafada ayaa arimo badan ka hadlay oo ay ka mid tahay wadahadaladda Somaliya iyo Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu horey u sheegay in mucaaradka ka qayab galeyn Wadahadala, aasagoo ka jawaabaya Faysal cali waraabe ayuu sheegay haddii taas dhacdo in xisbiga mucaaradka ahi ay wadahadalo gaar ah la furan doonaan Somaliya.

Haddii Xukuumadu ay talo naga siin weydo wada xaajoodka ay la galayso Somaliya waxaanu la furan doonaan Somaliya kuw gaar ah dalkana kulmiye xaq uma laha in uu arrinta Somaliya ku xidhan hadii kale waxay noqonayaa in xisbig kastaaba uu xaq u yeesho in uu wadahadal la galo Somaliya ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Somaliland maanta uma arko in ay ka jirto dawlad sii wadi karto talada dalka waayo arrintii gudda ayey dhameyn kari la dahay.

Nabadgalyada ayaa faraha ka sii baxaysa shacbigii ayaa sii kala fur furmaaya dhulkeeni ayaa dawlado kala ka jiraan markaa arrin ay Somaliya la hortagnaa ma jirto haddana haddii ay yidhaahden kaligay ayaa tagayna waa nasiib darro , mudaharaadyada ka dhacay meesha loo yaqaano Oodweyne waxaan u arkaa in ay tahay qaskii dalka oo sii kordhaaya waananu cambaaraynaynaa ayuu yiri Gudoomiyaha. UCID Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here