Fataahada ka dhacday Baladweyne oo sababtay in AMISOM ay magaalada ka dagto dibada

Waxaa sii kordhay qasaaraha ka dhashay fataahada wabiga Shabelle uu ka sameeyey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyey in biyaha kasoo burqaday wabiga ay la tageen nolosha 22 ruux isla markaana ay qasaaro u geysteen dhul beereer iyo guryo fara badan oo ku yaala gudaha iyo daafaha magaalada.

Cadaawe Cilmi Nuur oo ah ku xigeenka gudoomiyaha gobolka ayaa u sheegay BBC-da in fataahada ay saameysay ilaa iyo 8 kun oo qoys oo ku nool magaalada Baladweyne maamulakna uusan waxba u qaban karin dadkaasi.

“Anaga gurmad ma heyno, fataadahaha waxay sababeen naf iyo maal, tirada dhimashada aan heyno waa 22-ruux, shalay waxaa galbeedka ka soo saarnay 2600-neef oo baqtiyay”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka.

Kaliyah ma aysan saameyn dadka ku nool magaalada ee waxa ay raad weyn ku reebeen saldhigyada ciidanka AMISOM  ay ku lahaayeen Galbeedka magaalada marki ay biyo ugu galeen.

AMSIOM ayaa la dajiyey banaanka magaalada waxaana taasi ay keeni kartaa in amaanka magaalada uu qal qal galo, inkastoo Mr. Cadaawe ku adkeysanayo in taasi aysan wax saameyn ah keeni karin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here