Faroole:“Turkiga Xamar buu ku bururay Puntland waxbo uma qaban”


Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/raxmaan Faroole, ayaa shalay mar uu xariga kajaray Idaacad Cusub oo ay doowlada Talyaaniga ugu deeqday Puntland, waxa uu soo hadal qaaday deeqaha ay doowlada Turkiga siiso Soomaaliya.

Faroole, waxa uu sheegay in dawladda Turkigu ayna fulin ballanqaadyo ay Puntland u qaadday. Madaxweynaha ayaa arrintan sheegay mar uu guddoomayey deeq ka timid dalka Talyaaniga.

“Turkigu Xamar buu galay, Xamar buu goostay, Xamar buu ku bururay, anaga ballan bay naga qaadeen weeeyna nooga baxeen, hada waan arkeeynaa waxay xamar ka keenaan” sidaa waxaa yiri madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Faroole.

Halkaan ka dhagayso Codka Faroole:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm.previewdns.com/wp-content/uploads/2013/04/Faroole.mp3″]

 

Dawladda Turkiga ayaa illaa intii ay arrimaha Somalia lugta ku yeelatay, ballanqaadyo u sameysay dalwadda Somalia, Somaliland, iyo maamulada ka jira degaanada Somalia.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

3 COMMENTS

  1. Kacaanki barakeysnaay waxow dhahay dadbeey meelubugtaa dabeemeelu bugtaa loomaba baahnee heynaga baxo farole ka shaqey sidii ummadda isu raaci laheyd waxaa noo dhalatay dowlad wanaagsan raac hadii aad dhaafi weyso ee aad joojiweyso kharajka aad ku bixineyso sidii dowladaan loo ridi lahaay adiga iyo sh.sakiin ma idiin suurta galeyso hadii aad joogi weysiin gacmaha iyo luhaa leeskaaga kiin xiraa ha u maleyna in aadan leydin ogeyn

  2. Somali waa israacday laakin afwaliijo cuqdiyaa ka buuxa madaxa waxaa jira in aad isku xukunto garowe iyo kismayo haku rion ee seexo markale ma jireyso governatore di alabama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here