C/raxmaan Faroole Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Xisbiyada la filaayo inay ku dhawaaqi doonan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulka iminka Talada Puntland haya ayaa waxa uu Sheegay Faroole in Xisbiyadaasi looga baahan yahay inay ku daba feelan Xizbiga iminka uu ku dhawaaqay isaga
Faroole ayaa sidoo kale sheegay in Doorashada Puntland uusan isu soo taagi doonin Shaqsigii aan ka socnin Xizbiga hadii taa la waayo uu isaga sii heyn doono talada maamulka Puntland, Xisbiga uu iminka ku dhawaaqay Faroole ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Xukuumada uu isaga hogaanka u haya ay soo saartay in Siyaasiyiinta ay iska soo sharaxi karaan dhanka Xizbiyada taasina ay tahay Fursad ay bixineyso Xukuumadda Faroole
Ugu dambeyntii warqad kasoo baxday Madaxtooyadda ayaa lagu soo waramaaya in iminka ay gaartay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Puntland taasoo la sheegay inay ku qorantahay Digniino kama dambeys ah oo uu Faroole u jeediyay Siyaasiyiinta
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com.