Faroole: Wadahadalo lala gala Somaliland oo aysan Puntland ku jirin waa waxba kama jiraan’

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wada hadalo la rajeynayo in ay yeeshaan dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Hadal uu shalay wariyaasha ku siiyey magaalada Garoowe ayuu ku sheegay Mr Faroole in dhibka ugu weyn uu dhex yaalo Somaliland iyo Puntland balse aysan jirin wax mushkila ah oo u dhaxeeya dowlada KMG Soomaaliya iyo Somaliland, sidaasi daraadeedna wada hadalka laga qeybgaliyo Puntland.

“Somaliland waxa ay wax kala dhaxeeyaan Puntland %99 waayo dhul bey naga heysataa dad bay naga heysataa, waad aragtaa waxay heysataa Laascaano iyo Sool, dagaalo bay nagu soo qaaday oo uu ugu danbeeyey Buuhoodle iyo Kalshaale, marka hadi aysan TFG qeyb ka dhigin wada hadalka Somaliland waxay wada hadaladu noqon doonaan waxba kama jiraan,” ayuu yiri Faroole.

Dhanka kale C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay maamul goboleedyada sida is daba jooga ah looagaga dhawaaqayey baryahaan dalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay wax aanan la aqbali karin.

“Sida hada socoto ee fowdada ah sida in laba nin ay kambayuter fariistaan oo ay dhahaan maamul goboleed baan nahay waxaas ma shaqeynayaan, maamul goboleedyadaan waxaa loola jeedaa Puntlan in lagu magac dilo,”  ayuu yiri.

Maamul goboleedki ugu danbeeyey waxa uu ahaa kii Jimcihi loogaga dhawaaqay magaalada Muqdisho kaasi oo la magac baxay maamul goboleedka Banaadirland oo ay ku mideysanyihiin gobolada Banadair, iyo Shabeelooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.