Faroole: Saqiir iyo kabiir aan u diyaar garowno dagaal ka dhan ah Shabab

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa sheegay in Shabaab ay ku jabtay dagaalada ka socda Soomaaliya.

Hadal uu ka jeediyey Garoowe ayuu ku sheegay in Shabaab ay ku qasaareen dagaaladi ugu danbeeyey ee gobolada koonfureed iyo bartamaha, iminkana ay qorsheynayaan in ay usoo wareegtaan Puntland.

“Al Shabaab way jabeen dagaaladi koonfurtana waa looga xoog badiyey, waxaan ognahay meelaha ay galaan, meelo ay ku dhuuntaan oo Puntlan ka tirsan waan ognahay sida magaaladaan aan joogno iyaga dad baa ku qariya,” Ayuu yiri Faroole.

Dadka reer Puntland ayuu ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab, isaga oo Al Shababna ku tilmaamay koox tuuga ah oo aanan aheyn ururu diimeed.

“Nimankaasu urur diimeed ma ahan, hadii ay yihiin Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo sheekh ahaa mutacalim ahaa magaalada Boosaaso salaadi subax lama dhigeen, waa tuugo isa soo aruursatay, marka waa in aan u midoownaa saqiir iyo kabiir,”

Al Shababa ayaa maalimihi lasoo dhaafay laga qabsaday magaalooyin badan sida, Baydhabo, Xudur, Ceelbuur, Maxaas, Ufuroow iyo Qansaxdheere, waxaana bishi hore ay la midoobeen dagaalyahanada buuraha Galgalo ee gobolka Bari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.