Faroole oo la kulmay wafdi ka socday EU “Sawiro”.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta la kulmay wafdi ka socdey Midowga Yurub, kaasoo uu hogaaminayay Mr Georges Marc Andre oo ah wakiilka EU u qaabilsan Somalia iyo Agostino Miozzo oo isna ah agaasimaha guud ee maareynta xaalada deg dega iyo masiibooyinka Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland oo ay ka mid ahaayeen  Gen.Cabdullahi Axmed Jamac Ilkajir wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Da’ud Maxamed Cumar wasiirka qorshaynta ,kan maaliyada Faarax Cali Jaamac iyo weliba agaasinka guud ee madaxtoyada Puntland Dr.Jaamac Warsame.

Shir saxaafadeed kooban oo labada dhinac uga warameen waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo qorshaha Midowga Yurub ee Puntland ayaa ugu horeyn C/raxmaan Faroole ka warbixiyay wuxuuna sheegay in xaalada amaanka, abaaraha iyo mashaariicda horumarineed ee looga hortagayo biyo la’aanta ka wada hadleen.

Georges Andre ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Puntland sida uu u qaabiley ,waxana uu sheegey in Midowga Yurub Puntland iyo guud ahaan Somalia doonayaan inay ka fuliyaan mashaariic mustaqbalka leh.

‘’Midowga Yurub waxay noqonayaan kuwo garabkiina taagan ,shacabka Soomaliyed kan Puntland kan Somaliland,dhulkan quruxda badan waan joogi doonaan sidii nabad waarta looga xasilin lahaa ,waana midaan ku rajo weynahay’’.ayuu yiri Agostino Miozzo agaasimaha maareynta masiibooyinka dunida u qaabilsan MIdowga Yurub.

Wafdigan ka socdey Midowga Yurub ayaa horey u tagey Muqdisho kulana kulmey R/wasaaraha DKMG Somalia Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa.