Faroole oo magacaabay guddi ka talo bixiya hoos u dhaca dollarka

Madaxwaynaha maamulka Puntland, Cabdiraxman Maxamad Maxamud ayaa maanta oo Jimco ah warqad wareegto ah oo kasoo baxdey xafiiskiisa ku magacaabay Guddi wax ka qabta isla markaana daraasad iyo  talo  bixin ku sameyn doona hoos u dhaca ku yimid dollarka.

Sida lagu sheegay warqada. magacaabist guddigan  ayaa timid maalmo kadib markii maamulka Puntland uu mamnuucay in lacagta Shilling Sooomaaliga loo qaado Koonfurta Somalia.

Guddigaan ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin sagaalxubnood, waxaana madax looga dhigay wasiir ku xigeenka maaliyada maamulka Puntland Cabdi Ibraahim Wasrame ”Qowdhan”.

Guddigaan ayaa magacyadooda kala yihiin sidatan: 

Mr. Cabdi Ibraahim Warsame, Wasirku xigeenka Maaliyadda Gudoomiye

Xildhabaan Maxamed Cali Guuleed Xildhibaan Xubin

MR. Xirsi Maxamuud Cadaysay, Gudoomiyaha Bangiga Xubin

Prof. Maxamed Siciid Samatar Jaamacadda PSU Xubin

Prof. Cabdulaahi Faarax Axmed Jaamacadda EAU Xubin

Mr,Siciid Xuseen Ciid Rugta Ganacsiga Xubin

Mr. Liibaan Maxamed Yuusuf Rugta Ganacsiga Xubin

Shiikh CabdulQani Maxamed Qorane Xubin

Nimco Axmed Maxamed Bulshda Rayid ka ah Xubin

Isku soo duub meelo badan oo Soomaaliya ayaa waxaa hoos uga dhacay lacagta dollarka, taasoo saameen ku yeelatay dadka danta yer iyo kuwa lacagaha looga soo diro dibedda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here