Faroole oo Lagu Wado In Saacadaha Soo Socda Uu Gaaro Kismaayo

Gudoomiyaha shirka maamulka Jubaland, ee magaalada Kismaayo kasoconaya, Macalin Ibraahim Maxamed, ayaa sheegay ineey rajeynayaan, in saacadaha soo aadan magaalada Kismaayo ay soo gaaraan, wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/raxmaan Faroole, waxaana lagu wadaa ineey ka qayb galaan shirka Kismaayo, ee la doonayo in lagu soo dhiso maamulka aysan doowlada aqoonsan ee Jubaland.

“Aad baa loo sugahayaa inuu asiga yimaado iyo inuu wasiiro soo diro, mid walibo wey dhici kartaa, laakiin in Puntland laga yimaado aad baa loo rajeynayaa” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha shirka Kismaayo macalin Ibraahim.

Sidoo kale, gudoomiyaha shirka Kismaayo ayaa meesha ka saaray ineey aqoonsanyihiin maamulka loo sameyay Gedo, waxaana uu sheegay in madaxda iyo masuuliyiinta Gedo ay ku suganyihiin shirka Kismaayo, kana qayb qaadanayaan maamul u samaynta Jubaland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here