Faroole oo Hanjabaad Kulul Ujeediye Ganacsatada Puntiland

Madaxweynaha maamulka  Puntiland  Cabdi Raxman Sheekh Maxamuud (Faroole) ayaa hanjabaad kulul ujeediye ganacsatada  reer  Puntiland iyo kuwa aan udhalan ee ka sheqeeya deeganada uu maamulkiisa kataliyo  kataliyo in uu tilaabo ka qaadayo hadii ay qarashkooda ku taageeraan Kooxda Shabaab iyo kooxa kale ee ka horjeeda maamulkiisa.

Faroole ayaa  hadalkan ka yiri xili uu kulan laqaatay  gudi ka tirsan  ganacsatada Puntiland

“Hadii aad ganacsatadiinnu taageertaan Shabaab aniga iyo maamulkeygu ciqaabta aad leedihiin ayaan idinku qaadeynaa”.

Faroole ayaa  intaa raaciyay, “Maaamulkeyga kutaageera lagactii aad Shabaab sii laheydeen”.

Hanjabaada Cabdi Raxman Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa   xilli la’aaminsanyahay in Shabaab Saraakiil sarsare  iyo dagaal yahanno badan oo ka tirsan  ay ku dhuumaaleysanayaan deegaano hoostaga maamul gobaleedka  Puntiland kadib markii inta badan kooxdaasi looga itaal roonaday dagaaladii ay  koofurta Soomaaliya  kula galeen Ciidanka Dowlda Soomaaliya  iyo ciidama AMISOM .

Madaxweynaha  Puntiland oo deegaanada uu kataliyo mucaaradnimo xoogan  ay kaga  furmeen  kadib markii uu  ku  kororsaday  xilka mudo sanad ah ayaa waxa uu bilaabay tilaabooyin uu ku caburinayo dadka deegaanka sida ay qabaan kooxaha  iyo dadka ka horjeeda mudo korarsiga maamulka Puntiland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here