Dhismaha madaxtooyadda cusub ayaa laga dhisay magaalada Garoowe oo ah xarunta maamulka Puntland.
Munaasabadda xarigga looga jarayay dhismaha madaxtooyada cusub waxaa ka qeyb-galay madax ka tirsan Puntland, Qaramada Midoobay, Itoobiya iyo qeybaha bulshada
Madaxtooyada cusub oo dhismaheedu uu socday muddo ka badan hal sano ayaa ka kooban labo aqal oo loogu talagalay inay kala degaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, xafiisyo iyo waaxyo loogu talagalay saraakiisha iyo ciidanka madaxtooyada.
Xafiisyada madaxtooyada ayaa durbaba loo raray dhismaha madaxtooyada cusub ee Puntland.
”Waxaan bogaadinaya shirka Jubaland ,waxaana rajeynayaa inay u dhistaan maamulkooda si nabadgeliyo kana mid noqdaan DF Somalia” ayuu yiri Farole.
Wuxuu kaloo sheegay inay dhowaan billaabi doonaan dhismaha garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garoowe.
Kooxda Waaberi Puntland ayaa suugaan Puntland iyo geedi socodkeeda hanaanka axsaabta looga hadlayey goobta ku soo bandhigtey kuwaasi oo soo jiitey dareenka dadkii ka qaybgalay xaflada.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com