Faroole oo dhaliilay dhaqankii ay ku dhaqaaqeen musharixiinta+Dhagayso

farooleM/weynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxa uu eedeeyay dhaqankii ay shalay kula dhaqmen Musharaxiinta xilka kula tartameysa, waxa uu ku eedeeyay ineey diideen ineey Cunaan Khado uu ugu talo galay.

Madaxweynaha ayaa xusay in qodobada ajandihii ay wateen musharixiinta intooda badan ay isku afgarteen, balse ay si wayn isugu khilaafeen qodobka guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka oo haatan shaqaynaya.

“Magcaabida guddiga ansixinta iyo hadii khilaaf jiro dhaqan ahaan keenisteeda dowaldda ayaa iska leh, waxay ku andacoodeen in doorashooyinkii hore lagu dari jiray xubno ka socda dhanka musharixiinta, taas maaha mid jirta tii 2009 anagoo ku doodnay waana nalaka diiday.” Ayuu yiri Dr. Faroole.

Halkaan ka dhagayso shirka Jaraa’id ee Faroole:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here