Faroole: Digniinteenu waxay ku wajahantahay qaar ka mid ah Dowladi ugu danbeysay

Madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa faah faahiyey wareegto shalay kasoo baxday xafiiskiisa oo ka digtay in musuq maasuq lagu sameeyo doorashada beri dhici doonta.

Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu Mr. Faroole ku sheegay in dadka uu ka digay ay yihiin qaar ka mid ah madaxdi Dowladi ugu danbeysay ee kumeel gaarka aheyd, inkastoo uusan carabaabin.

“Dowladi ugu danbeysay qaar ka mid ah baa faragelin wada oo isbaheysi sameynaya, waxay is hor taagayaan Soomaalida cusub ee xil doonka ah in ay soo baxaan, waxay isticmaalayaan hantiada qaranka iyo dowlado ajnabi ah,” ayuu yiri.

Dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedo Muqdisho ayaa ka jawaabay hadlka Faroole, iyaga oo ku tilmaamay mid aanan laga fiirsan.

Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan, ayaa ku sifeeyey Faroole nin aanan ka fiirsan inta badan hadalada uu soo saaro, isaga oo intaasi raaciyey in aysan jirin cid ogaan karta go,aanka baarlamaanka.

“Hadii cida soo baxeyso oo guuleysaneyso maba lagaleen doorasho oo waa la iska dhaafi lahaa, marka waan la yaabanahay C/raxmaan Faroole, aniga waxaan leeyahay marki uu warkaasi sheegayey waxbaa si ka ahaa ee ha isku noqdo,” ayuu yiri.

Faroole ayaa biyaha hoostooda ka duqeynayo madaxweyne Shariif oo in muda ahba ka dhaxeeyey dagaal qaboow, sida ay sheegayaan siyaasiyiinta, warki shalay kasoo baxay Puntland wuxuu si toos ah ugu abaarnaa madaxweyne Sharif.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Fafoole waa ka cadahay oo cabsi ayaa soo waajahday hadalkiisa ah in uu ka qaadanayao go aan cusub hadii la yeelin sida uu rabo sidaa rabto ma yeeleyno hadaad rabto waad go i kartaa waxaana ku qabsan doono tan isaaq haysato hal qabiil ma go i karo ee is jilci muduloodka aad jilicsan jirtay bari hadii kale hadeey muqdihso hagaagto waad ogtahat puntiland waa soo yaaceeyaan ood yaa xukumi? waana qabiilka kaliya ee jecel gobolada aysan u dhalan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here