Farooel: Haduu shirka Talaadada baaqdo Puntland iskeed ayey u tashan doontaa

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntlan C/raxman Sheekh Maxamuud Faroole ayaa si kulul uga hadlay dib u dhaca dhowrka jeer soo gaaray wajiga labaad ee shirka wada tashiga ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Garaawe.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ayuu Mr Faroole ku sheegay sida uu uga xunyahay in tiro ka laba jeer uu dib u dhaco shirkaasi oo lagu waday in 15-ka bishaan halkaasi ka furmo.

 

Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayuu ku eedeeyey gaar ahaan xubnihi 13-ki bishaan magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in ay xilki ka qaadeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

“Xubnihi 13-ki bishan shirka ku qabtay Muqdisho dantoooda ugu weyn waxay aheyd sidi ay u carqaldeyn lahaayeen shirka Garoowe, waa koo aanan rabin dana ka laheyn mustaqbalka dalka, waxay ka baqayaan in dadka uusan dib danbe usoo dooran marka laga baxo KMG,” ayuu yiri.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ka digay in markaan uu baaqdo shirka, isaga oo sheegay in Puntland ay iskeed u tashan doonto hadii 20-ka bishan oo loo qoon deeyey uu dib uga dhaco.

 

Shirka oo ah wajiga labaad ee shirki wadatashiga ayaaha Soomaaliya, waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan madax ka socoto beesha caalamka, madaxda dowlada KMG iyo maamulada ka jira dalka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

 

midnimo12@googlemail.com.