Farmaajo oo saluugsan in doorashada waqtigeeda dhacdo

farWaxa uu sheegay marka la eego sida hada ay wax ka socdaan inay meesha ka maqan tahay jadwal badan oo loo baahnaa shaqooyin kala duwan in la qabto, balse Dowladda ay ka gaabisay.

Xilligan ayuu sheegay in qorshaha uu ahaa in Odayaasha Dhaqanka ay soo gudbiyaan Liiska Ergada soo xulaysa Baarlamaanka, kadibna howsha sidaasi lagu galo, balse arimahaasi oo dhan aysan muuqan.

“Weli ma muuqato in doorashada ay ku dhici doonta waqtiga ay iyagu qabsadeen ee September ah August-ama Baarlamaanka la dooran doono, marka jadwalka la eego maanta waxay ahayd in Oday dhaqameedyada diyaariyaan liiska ergooyinka codka bixinaya iyaga oo tixgelinaya kuraasta sida gaarka ah loo siiyey Haweenka, laakiin hadda waxaan ognahay in aan la qaban howlihii loo baahnaa laga soo billaabo 24-kii June aan la qaban, guddiga khilaafaadka inaan la sameynin, wacyigelintii dadweynaha inaan la sameynin, marka gaab ayaa jira.”Ayuu yiri Farmaajo

Isaga oo hadalka sii wata ayaa wuxuu sheegay Farmaajo, dhaqangelin la’aanta Jadwalka Doorashada inay sabab u tahay Dowladda Somaliya, isaga oo soo hadal qaaday hadal Madaxweyne Xasan uu sheegay Maalinti Ciida.

“Waxaa ku hor gudban waxyaabo badan, waxaan ognahay Madaxweynaha in maalintii Ciidda uu yiri dadka wax tilmaamaya oo wax ka sheegaya wixii aan la qaban waa cadow, runtii madaxweynaha waxa uu iloobay inay nasteexo u tahay haddii wax loo tilmaamo inay tahay wax la saxayo oo ka qaldan, laakiin inuu ku tilmaamo cadow ma wanaagsaneyn oo waxay noqotay wax laga naxo inuu isla meel dhiggo ragga siyaasadda kula loolamaya isna horay usoo maray iyo argagaxisada, cadow kan ku dilaya ayaa la dhahaa, haddii uu danta guud ka shaqeynayo waa uu ka faa’ideysan lahaa waxyaabaha jira, haddii aan nahay siyaasiyiin waxaan aragnaa waxyaabo badan.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Farmaajo oo la hadlay Idaacada Goobjoog

“Afartii sano howlihii uu ballan qaaday Madaxweynaha ma uusan qaban, maalintii la doortay illaa hadda wax badan ma aanay qaban, waxay keentay in dalka uu galo Afartii Sano ee ugu dambeysay siyaasad deganaasho la’aan, waxaan ognahay Saddex dowaladood ayaa Saddex sano dhexdooda isku bedalay, iyadoo Bilooyin ka dhiman tahay dowladii ayaa wasiiro la bedalay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here