Farmaajo oo dib u eegay sanadki tagay ee 2011 saadaalna ka bixiyey sanadkan cusub

Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay sanadki hore ee 2011 sanad u wanaagsanaa Soomaalida, isaga oo rajo fiicana ka bixiyey sanadkaan cusub ee 2012.

Isaga oo la hadlayey qaar ka mid ah idaacadaha ku hadla afka Soomaaliga ee ka howlgala Muqdisho ayuu sheegay in dad uu ku jiro isaga ay ka faa,ideysteen sanadki hore oo ay ku laabteen dalka Soomaaliya.

“Waxaan oran karaa sanad yaab lahaa ayuu ahaa 2011, dad badan ayaa orday oo raadiyey meel ay ku noolaadaan, dad badan ayaa ka faa,ideystay anaga xitaa waan ka faa,ideysanay oo dalki ayaan dib ugu laabanay, waxaan dhihi karaa sanadka 2011 waxaa uu ahaa sanad wanaagsan oo umada ayaa indhaha furatay xaqa iyo baadilkana waa la kala saaray,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey sida ay la tahay rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee sanadkan hada curtay ee 2012.

“Ilaaheey rajadiisa lagama tago umada Soomaaliyeed waxaan oran karaa waa umad aad u ad adag waayo 20 sano ayey dhib ku jireen oo wey adkeysatay waayo hadii ay jilcanaan laheyd waa hore ayaa la layn laha, Alle waxaan ka rajeynayaa in sanadkaan uu noqdo sanad wanaagsan,” ayuu yiri Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ugu danbeynti Farmaajo ayaa muujiyey inuu damac siyaasadeed kale uu kaga jiro dalka Soomaaliya, isla markaana farta ku fiiqay inuu dib ugu soo laaban doono mar kale dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa ah nin sumcad ka kasbaday Soomaalida inteeda badan mudadi u ahaa ra’isulwasaaraha Soomaaliya, hase yeeshee xilka ayuu ka dagay taasi oo qeyb ka aheyd xalinta qilaaf cuslaa oo bartamihi sanadki hore soo kala dhex galay madaxweynaha Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

1 COMMENT

  1. asc waxan ku leeha farmaajo nooolaaw waxan ku leha ala ha ku kaso celiyo in ad markale ku soo labatomasraxa siyasad oo ow ala ha ku dhiibon in oon ad mar oon ad madax wayna ka nuquto anoo nuul farmajo noolaw

Comments are closed.