Farmaajo: ‘Mahiga xadka ayuu ka gudbay shaqooyin aanan loo bahneyn ayuuna faraha kula jiraa’

Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si kulul u weeraray siyaasada ergayga gaarka ah ee Qaramada Mdioobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Mr.Farmaajo oo wareysi siiyey idaacada VOA isaga oo jooga dalka Holland ayaa ka jawaabay hadal uu shalay sii daayey Mahiga oo ah in Farmaajo uu doonayo inuu dib ugu soo laabto siyaasada dalka isla markaana uu doonayo inuu cidiyaha ku dagaalamo.

“Xaqiiqdi warkiisa uma eka war  mas,uul, wuxana uu ka baxayaa shaqadiisa iyo howsha loogu tala galay inuu qabto, Mahiga ma ahan inuu fara geliyo siyaasada arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxaana ii muuqata inuusan dhex dhexaad ka aheyn arrimo badan sida qadiyada baarlamaanka, tan kale warka uu iga sheegay ah in aan rabo inaan siyaasada kusoo laabto cidiyahana ku dagaalo, xaqiiqdi waad ogtihiin in aan ahay qofki ugu horeeeyey ee ka tansula xakunka, marka taasi wuu ku qaldanyahay ee waa inuu dib u fiiriyaa arimahaasi, hadii aan soo galayo siyaasadana aniga Mahiga kama amar qaadanayo,” ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu ku naqdiyey Mahiga fakarka ah in la iska dhaafo dowlad dhexe oo ay yeelato Soomaaliya wadankana laga dhigo mid fadaraali ah guud ahaan.

“Aniga taas waxaan oran karaa, ra,yigiisa hadii uu sidaasi yahay ma ahan wax sax ah, dowlad dhexe waa loo baahanyahay waxaana muhiim ah in ciidan qaran la hagaajiyo oo la dhiso, lacagaha in ay noqdaan hal lacag iyo in dowladu ay yeelato awood fulineed oo kor ka timaada, marka lagama maarmi karo dowlad dhexe, waxay ila tahay Mahiga inuu wiiqayo awoodi iyo cududid dowladnimada Soomaaliya,” ayuu  yiri.

Gaba gabadi Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya ayaa fitiimiyey halka ay iska arkeen isaga iyo Mahiga isaga oo yiri: “Mahiga waxyaabo badan ayaan hada ka hor ka diiday, waxaana ka mid ah waqtigi uu Muqdisho imaan jiray wuxuu jeclaa in Eraboorka loogu yimaado oo uu halkaasi ka laabto, anigana waxaan xafiiskiisa u sheegay in uu yimaado Villa Somalia sida saxda ahna sidaasi ayey aheyd, marka waxyaabo badan ayaan isku qabanay hada ka hor,”.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmayo xilli uu Augustine Mahiga wajahayo eedeymo badan oo kaga imaanaya qeybo badan oo Soomaaliya ah, gaar ahaan odayaasha dhaqanka oo ku tilmaamay nin kala qeybinayo umada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.