Ciidamada dowladda oo fariisimo ka sameysteen koontoroolka Baar Ismaaciil

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Africa ee  AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta koontoroolka Baar Ismaaciil ee duleedka dagmada Afgooye.

Abaan duulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed C/kariin Yuusuf Aadan “dhagabadan” oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa Sheegay In ciidamada qalabka sida iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Africa ay fariisimo ka sameysteen koontoroolka  Baar Ismaaciil oo in yar u jirta dagmadaasi.

sidoo kale abaan duulaha ayaa intaa ku daray in howgaladu ay u Socdaan si xeeladeysan ciidamaduna ay gaareen guulo wax ku ool ah, waxa xusay abaan duulaha in ciidamada ay ka soo galeen jihooyin Badan si ay u cirib tiraan haraadiga kooxda shabaab ee ku Dhuulaameysanaya qeybo ka mid ah dalka.

Abaan duulaha ciidanka oo hadalkiisa siiwata ayaa in raaciyay in Ciidamada ay si aad ah uga taxadareen in waxyeelo ay soo gaarto dadka Shacabka ah ee dagan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kuwaas Oo inta badan ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka laga itaal Roonaaday ee Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.