Fariimo Muslim naceeb ah oo kusoo badanaya wadanka Britain

Canaawiinta Jaraa’idyada ugu waaweyn wadanka Britain ayaa maalmahaan waxaa qabsaday dhacdadii Woolwich, taasoos are u qaaday naceebka dadka Muslimiinta ah ee ku nool wadanka Ingiriiska.

Wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Britain ayaa war uu shalay qoray Ciwaan uga dhigay “maamulka Cameron waxa uu ku guuldareystay dagaalka xagjirka”.

Qoraha maqaalkan ayaa Xukuumada Cameron ku eedeeyay in istiraatiijiyada lagula dagaalamayay Muslimiinta xagjirka ah ay fashil ku socoto.

Qoraalada ay sameeynayaan jaraa’idyada dalka Britain, ayaa kor usii qaaday naceebka ay dadka Kirishtanka ah ee wadankaas u qaadeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool UK, taasoo keentay in kooxo xagjiriin Kirishtan ah ay weeraro dhowr ah ku qaadaan Muslimiinta ku nool dalkas.

Mid kamid ah Masaajida ku yaal dalka Britain, ayaa waxaa lagu arkay Bam weyn, oo la’aaminsanyahay ineey ku aaseen kooxaha xagjirka Kirishtanka.

Tan iyo dhacdadii Woolwich ee lagu bgowracay Askari British ah, ayaa waxaa la diiwaan galiyay 160 dhacdo oo ay kooxaha xagjirka Kirishtanka ku weerareen dadka Muslimiinta ah eek u dhaqan UK.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here