Farhia Osmaan oo Soomaalinimadeeda shaki ku jiray oo lasii daayay.

Farhia Omar Mohamed oo 28-11-2011-kii laga qabtay garoonka diyaaradaha Brussels ee dalka Biljamka xili ay kasoo degeysay ayaa lagu guuleystay kadib markii ay dadaal ay sameeyeen Shabakaddaha Internetka ee Soomaalida iyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo gacan ka geysatay sidii gabadhaasi xoriyadeeda dib u heli laheyd.

20-ka bishan oo ay baahiyeen warbixin ku saabsann xariga Farhia shabakaddaha Internetka ee ku baxa luuqadda Soomaaliga ayaa sabab u noqotay in Farhiya ay hesho xoriyadeeda kadib markii Maxkamadda Midowga Yurub la hor dhigay warbixinada ay daabaceen shabakaddaha Soomaalida, sidoo kale xiriiro ay sameeyeen Looyarka Farhia u doodayay iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, balse haatan ku sugan Talyaaniga oo lagu daweynayo, taasoo soo dedejisay in farhiyo maanta xoriyadeeda dib u hesho sadax bilood oo xabsi ay ku jirtay kadib.

“Aad ayaa ugu mahad celinayaa dhalinyaradii ka geysatay cadeynta Fariha iney Soomaali tahay, gaar ahaan Ali Muhiaddin oo dabagal dheer ku sameeyay kiiska Farhia” ayuu yiri Alexander Loobuyck oo sidoo kale u mahad celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Antwerpen oo dadaal muujisay.

Sidoo kale Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo arrimo caafimaad u jooga Talyaaniga ayaa juhdi badan geliyay sidii gabadhani ay u heli laheyd aqoonsiga Soomalinimada ee lagu heysto, dadaalkaasoo dhabar jab ku noqday Safaaradda Soomaaliya ee Biljamka maadaama ay u taagan tahay difaaca iyo wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub.

Looyarka u doodayay Farhia Omar ayaa xiriir uu la sameeyay Safaaradda Soomaaliya ee Biljamka wax ka qaban weyday iyadoo Safaaradda ka gaabisay iney cadeyso Soomaalinimada Gabadhani mudada xabsiga ku jirtay.

Ali Muhiaddin
Utrecht, Nederland
Muxiyaddiin@hotmail.com 

4 COMMENTS

  1. Masha alaha waxa mahada iska leh alaha ufududeyay madaxda dulada somali inay sodayay farheya waa gabar somaliyed hadana dhalad aha ilahay umahad cile ilahay ku fududeyay inad ka baxday gacanta she sheye waxa mahada 2 iskale nuur cade iyo cali amerigo nolada waligin waxan 2 masul ka cudsanaya inay soboqdan xabsiyada ku yala africa sida angola muzanbig zanbia tanzaniya south africa iyo kuwa ka sibadan umada cidna uma maqna cilna uma qodna walalaya waxa xabsiyada ku dhamanayo 100% waa dadka somaliyed waxa sidan nogalay dulad la anta nahaysato ilahow dulad nasi dulad fican ududa xuquda umada somaliyed dulada ha ka shaqayso inay dadkeda xuriyada uso celiso ma dama an nahay umad an xuqu la hen adunka dhan xada xabsiyada firiso kama waynaysid somali waxa lagu leyahay ma haysatin dulad xaqina ududa marka kasara xabsiyada walalayal plz

  2. Farhiya anaa cadeeynayo inay somali ay tahay waxana jooga muqdisho waxana ka sii jooga war caano ama warta nabada qof soo u yaqaano marka farxiyo anaa aad u aqaano intii ka qayb qaadatay aad baan ugu mahad celinaya

  3. Waa guulweyn maansha alah ilaahey qeer ha siiyo nuur cade iyo cali ameriko waa labo nin somalida wax badan u qabteyn.

    waxaa kaloo mahadasan qof walba oo somaliyeed oo ku da’daaley sidii gabadhaan loo sii deyn lahaa.

Comments are closed.