Fargeeti oo manta hortagaya Baarlamanka & Fadeexad hareeysay xisaab xirka miisaaniyada..

Maxamed Ibraahim Fargeeti ,
Maxamed Ibraahim Fargeeti ,

Maxamed Ibraahim Fargeeti , Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu hor-tago Baarlamaanka Federaalka, si wax looga weydiiyo Miisaaniyada sanadka 2016 oo hor-yaala Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay meel mariyay xisaab xirka miisaaniyada sanadka 2015 00 maanta ku eg, waxaana lagu wadaa in Xildhibaanada su’aalo weydiiyaan Wasiirka.

Miisaniyadda sanadka 2016 ayuu Wasiirka faah faahin ka bixin doonaa qarashaadka dowladda ku bixi doona, gaar ahaan Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qeybaha kale.

Sidoo kale waxaa Wasiirka wax laga weydiinayaa dhaqaalaha dowladda soo gala Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan shirkado laga leeyahay Turkiga.

Dhinaca kale xisaab xirka misaaniyada sanadkii 2014, ayaa dhalisay fadeexad hareeysay wasaarada maaliyada, kadib markii ay soo baxeen lacago ku maqan wasaaradda maaliyadda oo ay ka mid tahay lacago loo qoray xildhibaanadii Kumeelgaarka ahaa oo la adeegsaday lagana bixiyay Khasnada dowladda

Dooda xisaabxirka ayaa dhalisay in Guddiga Maaliyadda baarlamaanka uu soo jeediyo inay maqan yihiin lacago fara badan oo aan la bixin kuna qoran xisaabxirka.

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa u sheegay inaanu la socon xisaab xirka isla markaana ay jiraan kharashaad badan oo aan la soo marsiin isaga.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa baarlamaanka u sheegay inaysan suuragal ahayn in la xisaab xiro iyadoo lacago badan ku maqan yihiin dowladda, isla markaana wuxuu cadeeyay in lacago loo qoray xildhibaano uu ka mid yahay isaga oo aanay weli helin mar walibana lagu dul xirayo xisaabta.

Hanti dhowrka Guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa maalmo ka hor ka hor-sheegay Baarlamaanka in Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak oo gacanta ku haya Garoonka iyo Dekeda ay diideen in lala xisaabtamo.

Dekeda iyo Garoonka ayaa ah labada il ee ugu weyn dhaqaalaha ka soo xarooda, lamana oga bil walba inta uu la eg yahay dhaqaalahaas, inkastoo sanadkii hore Shirkada Al-Bayrak ay soo bandhigtay dhaqaalaha ka soo xarooday bishii November sanadkii 2014 oo gaarayay illaa hal milyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here