Fargeeti oo looga guuleeystay Kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Disow

fargeetiWasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti, ayaa looga adkaaday Kursiga Xildhibaanimo Beesha Disow Doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.

Kursiga Beesha Disow ayaa waxaa ku tartamayay Wasiir Fargeeti iyo Maxamuud Macalin Yaxye oo kamid ahaa wasiiradii iyo Xildhibaanadii Doowladii hore.

Tartanka dhex maray labada musharax oo ahaa mid aad u adag laba jeerna la’isku celiyay, ayaa wareegii 2-aad waxeey natiijada noqotay in Fargeeti uu helo codad dhan 25 halka Maxamuud Macalin Yaxye uu helay 26 cod.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here