Faransiiska oo 1 Million Euro ugu deeqay Soomaaliya

Doowlada Faransiiska ayaa Arbacadii lasoo dhaafay ballan qaaday in 1 Million oo EURO ugu deeqi doonto dadka ku barakacay dagaalada iyo abaarta Sanadkii lasoo ku dhuftay koofurta Soomaaliya.

Lacagtaan oo loogu talagalay in dib udajin iyo shaqooyin loogu abuuro qaxootiga Soomaaliyeed ee hada dalka dib ugu soo laabanaya ayaa waxaa loo marsiin doonaa hay’adaha gargaarka QM, waxaana mashruucaan loogu talo galay in lagu hirgaliyo Sanadkaan.

Cali Cabdi, oo ah madaxa QM uqaabilsan hay’ada qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxa uu yiri: “Waxaan xuduudaha Kenya iyo Ethiopia ka samaynay xaruumo Caafimaad, waxaana ugu tala galnay inaan ku daryeelno kuna soo dhoweeyno dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed”.

“Rajada wanaagsan ee hada Soomaaliya kasoo bidhaameeysa, xaaladda amaan iyo mida siyaasadeed, ayaa nagu dhiiro galineeysa inaan garab istaagno shacabka iyo doowlada Soomaaliyeed” ayuu yiri said Etienne de Poncins, oo ah safiirka doowlada Faransiiska ufadhiya Nairobi, kaasoo saxiixay deeqda 1 Million ah ee loogu deeqay Soomaaliya.

Soomaaliya oo ay daashadeen dagaalo iyo colaado sokeeye, tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumadii Siyaad Barre 1991, ayaa hada waxaa talada la wareegay Doowlad rasmi ah taasoo badashay doowladii KMG ahayd ee mudada 8 sano ah ka talineeysay wadanka, waxaana doowladahaas KMG ahaa hareeyay musqmaasuq iyo wax is daba marin.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya waxay xididada usiibeen Al-shabaab iyagoona kala wareegay magaalooyin iyo degmooyin farabadan.

Qaxootiga ka barakacay dagaalada iyo abaarta Soomaaliya ayaa waxaa lagu qiyaasay 1.5 million, kuwaasoo u barakacay badankooda wadamada dariska sida Kenya, Ethiopia, Yeman iyo wadamo kaloo caalamka katirsan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here