Faragelinta Imaaraadka ee Doorashada Soomaaliya oo meel xun gaartay

Xasan ImaaraadDoowlada Imaaraadka Carabta oo galaangal xoogan ku leh siyaasada Soomaaliya, ayaa markaan faragelin aan horay loo arag ku haysa Doorashada Soomaaliya ee 2016.

Imaaraadka oo sanadihii ugu dambeeyay saameyn xoogan ku lahaa Siyaasada dalka, ayaa markaan doonaya in lasoo doorto Madaxweyne iyo Ra”isul wasaare iyaga ayidsan, waxaana taas ay keentay in Imaaraadka ay u wada yeerto dhamaan madaxda maamul Goboleedyada iyo kuwa Doowlada Federaalka.

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa dhamaantood hada kuwada sugan Imaaraadka Carabta oo uu kamid yahay Madaxweynaha maamulka dhawaan la dhisay ee HirShabelle.

Imaaraadka Carabta ayaa markii hore taageersanaa in markale lasoo doorto Madaxweyne Xasan Shiikh, balse hada sida warar hoose ay sheegayaan Imaaraadka waxeey wataan 2 musharax oo kale oo ay doonayaan in mid la doorto.

Imaaraadka Carabta ayaa arrimaha Soomaaliya si toos ah faraha ula soo galay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 markaasoo Turkiga ay usoo gurmadeen abaartii ku dhufatay qeybo kamid ah Soomaaliya kadibna dalka mashaariic ballaaran ka fuliyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here