Fannaanada caanka ah Seynab Laba Dhagax oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho + Sawiro

Fannaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba dhagax) oo Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay, Fannaanada oo muddo 21-sano ah ku nooleyd dalka Kanada ayaa waxaa soo dhoweynteeda ka qeyb galay mas’uuliyiin isugu jirta labada Gole ee Dowladda KMG ah, Haweenka Soomaaliyeed, Hobalada Waaberi iyo qeybo kale.

Fannaanada oo ka timid wadanka Imaaraadka Carabta ayaa markii ay ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Hobalada waaberi waxay ku soo dhoweeyeen heeso, iyadoona ilmeysay markii ay ka soo degtay diyaaradii, waxaa soo dhoweynta kaddib kulan la yeeshay Fannaanada madaxda labada Gole gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG ah.

Seynab Laba Dhagax oo soo dhoweynteeda kaddib la hadashay Saxaafadda ayaa xustay inay aad iyo aad qiiro u gelisay soo dhoweynta loo sameeyay, waxayna sheegtay inay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay mar kale timaado dalkeeda hooyo oo muddo 21-sano ka maqneyd.

Waxay sheegtay in tallaabada koowaad ee ay qaadi doonto ay tahay inay tagto goobaha ay ku sugan yihiin barakacayaasha, halkaasna ay gaarsiiso taakuleyn ay ugu talo gashay dadka barakacayaasha ah kaddib markii intii ay ku sugneyd dalka Kanada ay qabatay barnaamij taakuleyn ah oo ay ugu soo ururisay qaaraan.

“Waxaan dalka u imid inaan arko dadkeyga iyo dalkeyga isla markaasna aan gaarsiiyo barakacayaasha ku jira xerooyinka Muqdisho gargaarka aan ka soo ururiyay jaaliyadda Soomaalida Kanada” ayay tiri Fannaanada Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba Dhagax), waxayna si gaar ah ugu mahad celisay intii soo dhoweysay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.