Fanaanta Maryan Mursal oo bandhig faneed lala cajabay ka dhigtay magaalada Nairobi (Sawiro)

Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise ayaa ka dhigtay habeenki Axada ee aynu ka soo gudubnay bandhig faneed aad u sareeyey.

Bandhigaan oo micnihiisu ahaa dabaal daga dadka Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi sanadka 2012 ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaana kasoo qeyb galay boqolaal dadweyne Soomaaliyeed oo isugu jiray habla iyo wiilal.

Maryan Mursal oo furitaanki showga hadal kooban u jeedisay ka soo qeybgalayaasha ayaa sheegtay in ay u mahad celineyso ururka SYAO oo u suuragaliyey in ay dadka Nairobi ku maaweeliso bandbig faneedkan loogu ddabaaldagayey sanadka cusub.
“SYAO waxaan leeyahay wada horumarinta dhalinyarada iyo fanka aad ban idiin taagersanahay , fankana ogaada bulshada nabada iyo is dhaxgalkuu u horseedaa”

Fanaanada Maryan Mursal ayaa sidoo kale u duceysay dalka Soomaaliya inuu sanadka cusub uga dhigo mid nabadeed , cadaalada iyo horumar u horseeda .

Shoogan ayaa waxaa kala qeybgalay fanaanada fanaaniin weyn oo reer Nairobi ah sida  Iidle Yare , Shukri Shumey , Shukri Shiino , C/qaadir Jeylani , Raaxo , Oooyaaye iyo kuwo kale oo fara badan.

Dhinaca kale intii uu bandhig faneedka socday waxaa halkaas koox ka dhisan Nairobi ay ku soo bandhigeen ciyaar hidaha iyo dhaqanka ah , iyagoo qaaday buraanburo loogu duceynayey dalka laguna dhiirgalinayey SYAO.

Ugu dambeynti Xasan Cali Geesey oo ka mid ah mas’uuliyiinta SYAO oo showga ka hadlay ayaa sheegay in SYAO bnadhg faneedkan looga gol leeyahay in dhalinyarada Soomaaliyeed qaxootiga ku ah dalka Kenya la xusuusiyo fankii Soomaaliya iyo fanaaniinti waaweynd , waxaana uu sheegay in ay Maryan Mursal uga mahad celinayaan safar ay uga timid dalka Ingiriiska si ay dadkeeda ugu soio bandhigto heesaheedas .