Fanaanka xanuunsanaya Cabdi Tahliil oo loo qaaday magaalada Dubai

Fananaaka Soomaaliyeed ee maalmahanba xanuunsanayey Cabdi Tahliil Warsame ayaa maanta xaalado caafimaad daraadeed loogu qaaday magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

U qaadistiisa dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa sahlay Dowlada KMG Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradaha Warfaafinta, Gaashaandhiga iyo Maaliyada oo iska kaashaday kadib marki uu kusii dheeraaday xanuun uu in muda ahba la jiifay.

Horaantii sanadkaan madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa amray in si dag dag ah wax loogu qabto fanaanka oo ka mid ah fanaaniinti ugu muhiimsaneyd Soomaaliya ee aanan dalka ka bixin mudadi bur burka.

Cabdi Tahliil oo caan ku ah heesaha wadaniga, kuwa jaceylka iyo heesaha kale ee guubaabada ayaa la ildarnaa xanuunka Dhiig karka oo ku kalifay inuu xitaa lug iyo gacan mar ka dhaco inkasta oo uu kasoo yara bogsaday.

Mudo laga joogo 3 bilood waxaa uu ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday meel u dhaw gurigiisa oo ay ku lug lahaayeen caruur uu isagu dhalay, waxaana arintaasi ka jawaabay dowlada oo wax ka qabtay dadki falkaasi ku lug lahaa.

Dhanka kale waxaa iyana maanta loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo ku dhaawacmay dagaaladi ka dhacay duleedyada Muqdisho kuwaasi oo ay ku jireen saraakiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here