Fanaanka Cabsi Shire Jaamac oo maanta lagu wado inuu Muqdisho yimaado

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaro fanaanka Soomaaliyeed ee Cabsi Shire Jaamac, kaasi oo ka mid ah fanaaniinti kusoo caan baxday qurbaha.

Wareysi uu siiyey mid ka mid ah idaacadaha Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in maanta uu kusoo wajahanyahay caasimada Soomaaliya oo uu sheegay in ay ugu danbeysay Mudo 24 sana ah.

Mr. Jaamac ayaa door ka qaatay soo nooleynta fanka Soomaaliyeed isaga oo isku ahaa mu,alif, heesaa iyo laxamiiste, waxaana isaga oo laba wiil oo la dhashay ay soo saareen heeso u badnaan wadani iyo kuwo dhiiri geli.

Sababaha uu u doortay xiligaan inuu kusoo laabto dalka ayuu ku sheegay amaanka caasimada Muqdisho oo soo hagaagay iyo hiloow uu u qabo dalkiisa hooyo.

Tan iyo marki ay dowlada KMG la wareegtay Muqdisho, waxaa soo badanayey dadka kusoo laabanayo dalka ee ka imaanaya qurbaha, xaga fanaaniintana waxaa horay u yimid fanaaniin ay ka mid yihiin Axmed Naaji Sacad, K’naan, Saynab Labadhagax iyo qaar kale.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.