Fanaaniinta Muqdisho oo ka cabanaya dhaqan Cusub

Fanaaniinta Muqdisho
Fanaaniinta Muqdisho

Fanaaniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku dhaqan magaalada Muqdisho, ayaa xiligaan waxay soo gudbinayaan Cabasho aad u xoogan, oo la xiriirta Xafladaha lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Waa dhaqan cusub oo dhib ku ah Fanaaniinta Muqdisho.

Fanaaniinta waxay ka cabanayaan, in marka ay ka qeyb galayaan xafladaha lagu qabanayo Hoteelada Muqdisho, haba ugu badnaadaane munaasabadaha ay ka qeyb galayaan masuuliyiinta Doowlada.

Fanaaiinta ayaa waxaa lagu qasbaa ineey Heeso qaadaan inta ay wax cunayaan masuuliyinta iyo kasoo qeyb galayaasha Xaflada, taasoo ay Fanaaniinta u arkaan dhaqan aad u xun oo lagu liidayo.

Hadaba dhagayso Abwaan Sugaal Cabdule oo ka waramaya arintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here