Fanaanada weyn Maryan Mursal Ciise oo caawa ku qabaneysa dabaaldaga bandhig faneedka 2012 magaalada Nairobi.

Caawa waxaa magaalada Nairobi ku qabanaya bandhig faneed sanadka cusub loogu dabaaldagayao fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise Bootaan .

Bandhig faneedkan oo aad looga hadal hayo magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale ee dalka Kenya ayaa waxaa soo qabanqaabisay ururka dhalinyarada SYAO , iyadoo uu ka dhacayo hoolka SIR ALI CLUB.

Maryna Mursal Ciise oo ah fanaanad aad loo jecelyahay qaab masrixiyadeeda iyo codkeeda halaasiga ah waxaa ay dhigi doontaa wacdaraha soo dhaweynta sanadka cusub iyadoo uga timid showgan ama bandhig faneedkan magaalada LONDON ee dalka Ingiriiska.

Maryan ayaa sheegtay in ay caawa heesahaheedi lagu yaqiinay iyo kuwo cusubba ay wacdara kaga dhigi doonto Nairobi.

Waa marki ugu horeysay ee ay Maryan Mursals soo gaarto Nairobi oo ay bandhig faneed ku qabato .

Macluumaad dheeri ah kala xiriir qabanqabiyayaasha
Ismaaciil 0722619875 iyo Xasan Cali Geesey 0711169242