Fanaanada Saado Cali oo gordhow soo gaartay Muqdisho.

Fanaanada Shacbiyada badan kuleh dalkeena Soomaaliya ee Saado Cali Warsame ayaa goordhow soo gaartay magaalada Muqdisho.

Saado Cali oo aanan wali kasoo kabsan shilki ay ku gashay Puntland ayaa kasoo dagtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Fanaanadan oo kamid ah liiska xildhibaabada cusub ee Soomaaliya ayaa isla markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aden Cadde iyadoo gacanta ay u shakaalan tahay waxaa lagu dhaariyey gudaha garoonka oo ay joogeen xubno ka mid ah guddiga farsamada si ay ugu biirto baarlamaanka cusub.

Dhaarta kadib ayaa Saado Cali Warsame iyo tiro mudanayaal kale waxaa isla markiiba loo qaaday xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho halkaasoo goordhow uu ka bilawday shir ay maanta leeyihiin xildhibaanada cusub laguna dhageysanayo khudbadaha musharixiinta afhayeenka baarlamaanka u tartamaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here