Famaajo oo saakay si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyey

Murasha madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saakay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho oo dib ugu soo laabtay.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka soo degay Diyaarada Juba Airways oo waday dad rakaab ah, taasoo aheyd diyaaradii u horeysay oo rakaab Muqdisho uu ka raaco markii Ra’iisul wasaaraha loo magacaabay.

Boqolaal dadweyne ayaa gudaha garoonka diyaaradaha iyo banaankiisa ku soo dhoweeyay, iyagoo sitay calanka iyo sawirkiisa, waxayna aheyd soo dhoweyntii ugu heerka sareysa oo qof musharax ah la kulmo.

Gawaari iyo mootooyin lagu dhajiyay sawirkiisa ayaa lagu arkay wadooyinka Muqdisho, waxaana inta u dhaxeysa Wadada Maka Al-Mukarama ilaa garoonka diyaaradaha ay aheyd meel saxmad ah oo gaadiidka ay saameyn ku yeesheen soo dhoweynta Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo ayaa is casilay bishii June, markii heshiis lagu gaaray magaalada Kampala uu dhigayay in meesha uu ka baxo si khilaafka hareeyay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo markaas uu is casilay.

Dhowaan ayay aheyd markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo, isla markaana uu rajo ka qabo in isaga loo doorto.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo qul qulayay musharaxiin fara badan oo hunguri ugu jira jagada madaxtinimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here