Falcao oo ku farxay in ay ku guuleestaan Copa del Rey

Weerar yahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcao ayaa soo dhaweeyay guusha kooxdiisa ay xaley ka gaartay naadiga wayn ee Real Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa 2-1 kaga adkaatay kooxda Real Madrid Jimcihii xaley koobka Copa del Rey Ciyaartii fiina-ka oo lagu qabtay garoonka Santiago Bernabeu.

Los Blancos ayaa durba ciyaarta gacanta ku dhigtay markii 1 oo u dhaliyay Cristiano Ronaldo ay hoggaanka ku qabteen, laakinb labo gool oo ay kala dhaliyeen Diego Costa iyo Miranda ayaa ka caawiyay kooxda uu macalinka u yahay Diego Simeone in ay hantaan koobkoodii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1995-96.

Xidigga reer Colombia ayaa la hadlay wargeyska AS ee ka soo baxa dalka Spain, wuxuu yiri ma soo koobi karo dareenkeyga laakin waxkasta oo ay tahay waxaan hadda dareemayaa farxad,”

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa markii dambe ciyaarta laga saarat markii loo taagay kaarka casaanka, sidaasna waxaa guul daro wayn dusha loo saaray kooxda Real.

Real ayaa xilli ciyaareedkan waxa aysan ku guuleesan wax koob, horiyaalka Spain waxaa ku guuleestay kooxda Barca, halka ay ka soo hartay tartanka kooxaha qaaradda Yurub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here