Falastiin oo loo Ogoaaladay inay Korjooge ka Noqoto Golaha Amaanka

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in wadanaka Falastiin ay ka mid noqoto Golaha amaanka, kadib marki ay Dowlado badan codka ugu deeqeen.

Wadamo gaaraya 138 Wadan oo Hormuud ay u tahay Soomaaliya iyo Faransiiska ayaa u codeeyay in Falastiin ay ka mid noqoto Golaha Amaanka, taasoo fursad weyn u ah Muslimiinta Gumeysiga ku jira ee Falastiin.

Wadamo ka kooban 9 ayaa diiday in Falastiin ay ka mid noqoto Golaha Amaanka, waxaana wadamadaasi ka mid ah Yuhuuda Bariga dhexe xooga ku dagan iyo Mareykanka.

Waxaa Codeynta ka aamusay 41 Dal, waxaana ka mid ahaa Dowlada Ingiriiska, balse Dowlada Ingiriiska fikir ahaan waxay taageersaneyd in Falastiin aan loo ogolaan ka mid noqoshada Golaha Amaanka.

Marki codkaasi la qaaday ayaa waxaa hadlay Ban Ki Moon Xogayaha Guud ee QM, isagoo sheegay in hada loo baahan yahay xal waara oo ay gaaraan Yuhuuda iyo Falastiin.

Dowladaha Yuhuuda, Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka soo horjeeda Horumarka Falastiin iyo aqoonsiga ay ka heshaya Golaha Amaanka ayaa sheegay inaysan waxba soo kordhin doonin arintan, iyagoo ay ka muuqatay Niyad Jab balaaran.

Shacab weynaha Reer Falastiin ayaa ku jira Dabaal dagyo aan caadi ahayn, iyagoo u damaashaadaya horumarka Taariikhiga ah ee ay la gaareen Kulankii Golaha amaanka ee loogu ogolaaday ka mid noqoshada Jamciyada Qurumaha K dhexeyso.

Falastiin ayaa hada ka dambo Heshiisyo Caalami ah la gali doonta Dowladaha caalamak, sid0o kale waxay la xisaabtami doontaa Golaha Amaanka, gaar ahaan Hey’daha kala duwan ee hoos taga UN-ka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here