Falaqeyn ku saabsan kulanka cawada udhaxeeya France & Spain

Waxaa lagu wadaa in cawada ay ciyaar aad uxiiso badan dhex marto labada xul ee france iyo spain

Iyadoo spain ay aad ugu cabsi qabto labada xidig ee laf dhabarta u ah xulka france ee Samir nasri iyo Riberry,saadaalin lasameeyay ayaa waxay ubadantahay in France ay cawada ka adkaan doonto xulka spain maadama aysan wali ka adkaan ciyaar heer caalami ah.

Waxaa jirto dhowr su’aal oo ku saabsan qaabka uu cawada ama shaxda uu ciyaari doono cawada tababaraha spain delpesque, tababarahan ayaa bilawgii tartankan waxaa dhanka taageerayaasha xulka spain kaga imaanayay eedeeymo kusaabsan qaabka uu ciyaartoyda usafayay,maxaa yeelay xulka spain sooma aysan bandhigin ciyaarihii looga bartay.

Laakiin wiilasha Loran Blanco ayaa cawada waxay garoonka soo gali doonaan iyadoo uu kamaqanyahay daafaca ay ku dhaartaan una ciyaara naadiga Ac Milan Philip mexes,halka spain ay uwada safan doonaan dhamaan ciyaartoydooda muhiimka ah ,balse waxaa jirto cabsi labada dhinac ah oo ku aadan in ciyaartooy labada xul muhiim ka ah ay cawada qaataan jaalahooda labaad sidaasna ay ku seegaan wareega Quaterfinalka.

Dhanka xulka spain ayaa waxaa miin hal jaalo kaqabo ciyaartoyda kala ah Arbelou,Alba,Alonso,Torres, iyo ciyaaryahan Martines…halka xulka France ay kaqabaan ciyaartoyda kala ah Minez.

Labadan xul ee farance iyo spain tartanka Euro waxay ku kulmeen 3 mar waxaana dhamaan wada adkaaday xulka Diiqyada.

Saami Addow