Falanqeynta kulanka adag ee Sabtida dhexmari doona Milan-Jiventus

Habeen danbe waxaa lagu wadaa in garoonka Stadio Giuseppe Meazza ee magaalada Milano ay ku hardamaan labada koox ee xiligaan ugu awooda badan horyaalka Talyaaniga AC Milan iyo Juventus.

Ciyaartaan oo lagu tilmaamay in kooxdi badisa ay carbuunan doonto horyaalka Seria A-da ayaa waxaa hareeyey ka maqnaashaha xidiga Milan ee Ibrahimovic oo sadex kulan ka ganaaxan kulamada horyaalka iyo kusoo laabashada garoonka San Siro ee kubad sameeyihi hore ee Milan Adrea Pirlo oo haatan ah xidiga ugu wanaagsan kooxda Juventus.

Kooxda Milan oo lagu naaneeso ‘Rossoneri’ iyada ayaa haatan hogaanka uga heysyo Juventus oo lagu naaneeso Old Lady hal dhibic, hase yeeshee Juve waxaa u harsan hal kulan oo hada ka hor ka baaqday kaasi oo ay la ciyaari doonto kooxda Bologna.

Inkastoo ciyaartooyda iyo tababarayaasha labada dhinac ay aaminsanyihiin in kulanka habeen danbe aanan lagu tilmaami karin mid go,aan ka gaari karo horyaalka cida qaadi doonta, ayaa hadana warbaahinta Talyaaniga waxay leedahay kooxdi badisaa waxay u siyaadineysaa hamiga ah in ay horyaalka qaadi karto, kooxdi laga badiyana waxay ku noqon doontaa niyad jab iyo gadaal u noqosho.

Kooxda ku ciyaareyso gurigeeda ee Milan ayaa loo badinayaa in ay heli doonto gacanta sare, sababtoo ah kulamadi ugu danbeeyey guulo waaweyn ayey soo hooysay iyada oo lagu xasuusto guushi weynedy ee ay todobaadki hore kaga gaartay garoonkeeda naadiga Arsenal oo ay dirtay 4-0.

Juve, dhankeeda kulamadi dhawaa waxay la daalaa dhaceysay kooxaha yar yar, iyadoo bar baro 0-0 ah kula dhameysatay kooxaha Siena iyo Parma, inkastoo ay 3-1 ku cuntay Catania kulanki ugu danbeeyey.

Xilli ciyaareedkan labada koox waxay ku kulmeen laba jeer, labada is aragna oo kala ahaa horyaalka iyo tartanka Coppa Italiya waxaa badisay Juve oo kulanki horyaalka ku badisay 2-0, halka kulanki kale ee Coppa Italia ay ku adkaatay 2-1.

Milan waxaa ka maqnaan doono laba xidig oo muhiim ah kuwaasi oo kala ah Ibrahimovic iyo Kevin Prince Boateng,  laakin waxaa safan doona laacibka kooxda kucusub Sulley Muntari, xaga weerarkana waxaa ku shirkoobi doona Alexandre Pato iyo Robinho.

Macalinka Juventus Conte ayaa rajeynaya inuu ku ciyaari doono qaab ciyaareedka uu maalmahan la dhacsanaa ee ah 3-5-2 isaga oo iska dhaafi coona nidaamka 4-3-3.

Laacibka garabka ka ciyaara Simone Pepe ayaa dib usoo laabtay kadib dhaawac uu ku maqnaa, laakin waxa ay su,aal ka taagantahay cida weerarka ku bilaaban doonta dhamaan weeraryahanada Juventus, waxaana muuqato in ay ku wada dagaalamayaan xidigaha kala ah Mirko Vucinic, Alessandro Matri iyo Fabio Quagliarella.

Taariikhiyan kooxda Milan ayaa guulo badan inta jeer ee ay isku horkeen horyaalka Seria A-da ee garoonka San Siro, waxay ku guuleysatay 26 kulan 78 ciyaarood oo ay isku haleeleen horyaalka halka ay bareejo galeen 34 jeer.

Juventus waxay ku badisay garoonka Milan 18 jeer oo uu ku jiray kulanki xilli ciyaareedki hore ay ku dubteen AC Milano 2-1 iyadoona goolasha ay u kala dhaliyeen Quagliarella iyo Alex Del Piero.

10-ki kulan ee ugu danbeeyey ee ay isku arkeen San Siro sadex jeer waxaa adkaatay Milan, laba waxaa badisay Juve shan jeerna bar bar dhac ayey galeen, shantaasi jeer hal kulan oo qura ayaa ku dhamaaday goolal la,aan 0-0 ah.

Xaga gool dhalinta marka aan eegno xilli ciyaareedkaan, kooxda Milan ayaa ku badan waxaana weeraryahankooda Ibrahimovic uu dhaliyey 15, halka weeraryanada Juvengtus ee kala ah Matri+Vucinic+Quagliarella+Del Piero+Borriello ay shirko ku yihiin 14 gool.

Ciyaartooda la qiyaasayo in ay u kala saftaan labada dhinac:

Milan (probable): Abbiati; Abate, Mexes (or Nesta), Thiago Silva, Antonini; Nocerino, Van Bommel, Muntari; Emanuelson; Pato, Robinho.

Juventus (probable): Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Lichtsteiner, Vidal, Pirlo, Marchisio, Pepe; Matri (or Quagliarella), Vucinic.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.