Falanqeyn kusaabsan kulanki xalay ee Realmadrid & Barcelona{Sawiro}

Wiilasha Jose Mourinho ayaa xalay guul weyn ka gaaray kooxda Barcelona,kadib markii ay 2/1 kaga guuleeysteen lugta labaad ee finalka Super Cup-ka.

Goolka 1-aad ayaa waxaa Real u daahfuray ciyaaryahanka Reer Arjentine Gonzalo Higuain daqiiqada markeey ahayd 11-daqiiqo,halka Ronaldana uu sii raacsaday goolka 2-aad daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta,goolka qura ee Barcelona oo dhashaday qeybtii hore ee ciyaarta dhamaadkeeda waxaa u saxiixay laacibkooda Leo Messi,waxa uuna ahaa laadka xorta ah.

Tababare Only One ayaa xalay waxa uu garoonka kusoo galay qaab ciyaareedka ah ( 4-2-3-1) iyadoo ilaalinta goosha loo wakiishay goolhayaha ugu wanaagsan dunida Iker Cassilas,halka daafacana uu usoo xushay ineey kawada ciyaaraan,Ramos,Pepe,Arbelou,iyo ,Marcelo,sidoo kale qadka dhexe waxaa kawada ciyaarayay laacibiinta kala ah:Xabi Alonso,Khedira, iyo sadexda laacib ee xalay burburisay Barcelona waa C.Ronaldo,Ozil,iyo Angel Dimaria,weerarkana waxaa kaciyaarayay oo kaliya Gonzalo Higuain kaasoo laga doorbiday Benzema ka gadaal markii uu wax keeni waayay kulankii lugta kowaad oo real loogu soo awood sheegtay 3/2.

Laakiin tababaraha cusub ee Barcelona Tito Vilanova waxa uu xalay ciyaarayay shaxdii uu ciyaaray kulankii lugta kowaad ee kadhacay Camp New kaasoo ahaa (4-3-3)laakiin isbadalka kaliya ee Barcelona soo wajahay waxa uu ahaa iaydoo uu dhaawac kaga maqnaay Danil Alves waxaana badalkiisa dheelayay Saaxiibkiis Adriano kaasoo qaatay calaamada casaanka ah daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta kadib markii uu funaanada kaqabsaday C.ronaldo oo hadii kubada ladhaafi lahaay kadhalin lahaay gool 3aad.

Realmadrid ayaa bilaawgii ciyaarta aad u handaday Goolka Barcelona kadib markii ay labada ciyaaryahan ee Ozil Iyo Dimaria kubado aad halis u ahaa u xadeen Higuain laakiin kama uusan faa’iideeysan.

Luka Modric: “Waan ku faraxsanahay inaan kulankeygi ugu horeeyay ku Guuleeysto Koob”

Modric oo xalay kulankeesi ugu horeeyay usaftay naadiga boqortooyada ee Realmadrid ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu kulankiisi ugu horeeyay real kula guuleeysto koob.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay joogitaankayga halkaan iyo inaan kulankeyga ugu horeeyay Koob ku guuleeysto”ayuu yiri Modric.

Modric oo xalay ciyaarta lasoo galiyay 10-kii daqiiqo ee ugu danbeysay ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu farxay markii ay taageerayaasha Real ku dhawaaqeen magaciisa,waxa uu sheegay inuusan cabiri karin farxadiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here