Falanqeyn ku saabsan kulanka cawada ee Portugal iyo Cech

 

Bruno alves&nani
Bruno alves&nani

Cawada oo jimco ah ayaa lagu wadaa inuu markale dib ufurmo tartanka Euro 2012 iyadoo ay isaga hor imaan doonaan wadamada Portugal & Cech republic kadib markii ay labadoodaba wareegi koowaad si dhib badan kaga soo gudbeen, kahor ciyaarta cawada waxaa war farxad leh usoo yeeray tababaraha xulka Cech kadib markii dhaqtarka gaarka ahee xulka cech uu sheegay in Rosicky uu kaqeeyb qaadan karo kulanka cawada kaasoo horay shaki looga muujinayay safashadiisa kulanka cawada

 

xulka portugal oo isku diyaarinaya kulanka cawada ee cech
xulka portugal oo isku diyaarinaya kulanka cawada ee cech

 

XulkaPortugalayaa cawada waxa uu garoonka lasoo gali doonaa dhamaan ciyaartoydiisa muhiimka ah manajirto ciyaaryahan kaga maqan dhaawac,Portugalayaa guul muhiim ah kasoo gaaray xulkaHollandkadib markii ay kaga soo adkaadeen 2-0

 

XulkaPortugalayaa cawada waxay ciyaari doonaan qaab ciyaareedka 4-4-2 iyadoo afka hore ee weerarka ay kawada ciyaari doonaan C.ronaldo iyo postiga halka qadka dhexena ay kawada ciyaari doonaan Mirales, Veloso, iyo Moutinho

ciyaartoyda cech oo siku diyaarinaya kulanka ay cawada kaga horjeedaan portugal
ciyaartoyda cech oo siku diyaarinaya kulanka ay cawada kaga horjeedaan portugal

Ciyaartan oo cawada kadhici doonta garoonka Warsow ayaa xulka Portugal waxay utahay nolol ama geeri gaar ahaan ciyaaryahan C.ronaldo oo kulamadii ugu horeeyay ee tartankan muujiyay ciyaar aysan jecleysan taagerayaasha balse soo ceshtay kalsoonida dhamaan taageerayaasha Portugal kadib markii uu saxiixay 2-dii gool ay xulkiisa kaga adkaadeen Holland

 

Dhanka kale waxaan shaki kujirin in xulka Cech oo haysta mid akmdi ah gool hayayaasha caalamka ugu wanaagsan inuu kasaacidi karo xulkiisa qatarta xidiga naadiga Real Madrid ee C.ronaldo.

Dhagaha taageerayaasha xulka Portugal ayaa wali waxaa kasii guuxaya dharbaaxadii ay kala kulmeen Cech sanadii 1996 markaasoo gool aad uqurux badan uu kadhaliyay poborisky kaasoo qadka dhexe kaga ciyaari jiray xulka Cech

ciyaarta cawada waxaa dhexdhexaadin doona garsooraha udhashay wadankaEnglandee lagu magacaabo Webb waana ciyaartii 3-aad ee uu dhexdhexaadiyo webb isla tartankaan waxaana uu soo dhexdhexaadiyay ciyaartii dhexmartay Cech iyo Russie markaasoo cecha looga adkaaday 4-1.

Saami Addow