Falanqeyn ku saabsan kulanka cawada dhexmari doona Barcelona iyo Realmadrid

Waxaa cawada lagu wadaa in garoonka Camp New ay kadhacdo ciyaar aad uxiiso badan taasoo dhexmari doonta labada naadi ee dunida ugu xooga badan xagga kubadda cagta ee Barcelona iyo Realmadrid,labadaan koox ayaa ku tartami doona koobka Super Cup-ka,oo ay ku tartamaan labada koox ee ku kala guuleeysata horyaalka wadankaas iyo koobka boqorka,waxaana xusid mudan in xoogaay saadaasha ay cawada ubadantahay in kooxda Barcelona ay ka guuleeysan karto Real,maadaama ay guul 5/1 ah Barca ku daahfurtay bilawga horyaalka,halka Realna ay Barbaro 1/1 ladhaafi weyday Valencia.

Barcelona ayaa guul aad loola yaabay ka gaartay Real Socidad,wiilasha tababraha cusub ee Vilanova ayaa rajeynaya in markale ay Real kaga guuleeystaan Super Cup-ka sidii ay sanadkii horeba kaga qaadeen 3/2 markaasoo uu tababre u ahaa Peb Guardiola.

Naadiga Barcelona ayaa sanadaan lasoo saxiixday laba ciyaaryahan oo aad muhiim ugu aha laysna dhihi karo way kadhinaayeen,kuwaasoo kala ah Jordi Alba oo ay kala timid Valencia,iyo xidiga Alex Song oo ay kasoo iibsadeen Naadiga The Gunners,taas badalkeeda Realmadrid sanadaan lama aysan soo wareegin wax ciyaaryahan cusub inkastoo ay aad ugu dhowdahay 90% soo xera galinta laacibka qadka dhexe ee xulka Croatia iyo naadiga Tottenham Luka Modric,Jose Mourinho waxa uu sheegay in sanadaan ay doonayaan ineey qaanadooda kusoo xareeyaan Koobka Super Cup-ka oo aan wax qiimo saas ah ku fadhin sida uu sheegay.

Barcelona oo lo saadaalinayo ineey ku guuleeysato koobkan Sababahan soo socda Dartood:

1-Tito Vilanova,waa tababaraha cusub ee Barcelona oo doonaya inuu isku muujiyo inuu uqalmo inuu hogaamiyo naadigan kayaabsaday naadiyada yurub loona aqoonsaday ineey tahay naadiga qarnigan,waana markii ugu horeesay ee uu Kahor yimaado Realmadrid kulanka lo yaqaano El Classico isagoo tababarha koowaad ah,waxa uuna horay kaaliye ugu ahaa tababarihii xilkan iska casilay ee Peb Guardiola mudo afar sano ah.

Waa sax in Barcelona ay 5/1 kusoo adkaatay kulankii kuuwaad ee horyaalka, balse cawada ayaa waxa latijaabin doonaa qibrada tababare Tito Vilanova marka uu kahor yimaado mid kamid ah tababarayaasha caalamka ugu wanaagsan (Jose Mourinho).

2-Sababta labaad ee loo saadaaliyay in Barcelona ay Real Ka guuleeysato ayaa lagu sheegay ineey tahay Barcelona oo ay udhanyihiin ciyaaryahanadeeda Line up-ka ah,isla markaasna aysan jirin ciyaaryahan kaga maqan dhaawac ama

ganaax,waxaana dib ugu soo laabtay laacibka Devid Villa kaasoo mudo garoomada kamaqnaa,sidokale Barcelona waxay lasoos axiixatay laacibka kaciyaara dadabka bidix ee daafaca Jordi Alba kaasoo ciyaarihii Europa 2012 kasoo bandhigay ciyaaro aad lo jecleystay xulkisiana kacaawiyay ku guuleeysiga koobkaas,sidokale barca waxay soo qaadatay xidiga ku dagaalama kubadaha qadka dhexe isla markaasna abuura kubadaha ee Alex Song.

3-Dhaawaca Pepe: waa sababta 3-aad ee loo badinayo in Barca ay cawada guuleeystao,Niyad jabka Real ay kasoo qaaday Valencia kuma koobneen ineey weyso laba dhibcood ee waxaa uga darnaay dhaawaca soo gaaray daafaca laga baqo ee Pepe,kaasoo miir daboolmay ka gadaal markii ay isku dhaceen saaxiibkiis ay isku koxda yihiin ee Iker Casilas.

Raul Albiol ayaa lagu wadaa inuu buuxiyo booska uu kamaqanyahay Pepe waxaana lala lamaanin doonaa Sergio Ramos oo ay kawada ciyaari doonaan daafaca qalbada dhexe,laakiin daafacii hore ee koxda Valencia Albiol mabuuxin karo booska uu kamaqanyahay pepe, maxaa yeelay kama usuan qeyb qaadan ciyaarihii Euro2012 halka Pepe uu laf dhabar u ahaa guulihii uu gaaray xulkiisa Portugal.

4-Messi oo in badan kadiyaarsan Ronaldo:intii aysan bilaaban ciyaaraha horyaalka spain ayaa Leo Messi waxa uus aaxiibadiis kala qeyb qaadanayay tababarka laysugu diyaarinayay Horyaalka,halka ronaldo uu kujiray tamashleen iyo dalxiis,waana taas tan kadhigaysa in Messi uu in badan kadiyaarsanaado Ronaldo.

Ciyaaryahanka Rer portugal C.ronaldo ayaa naftiisa qiray in sandaan uusan udiyaarsaneen siwanaagsan,taas ayaana macquul akdhigaysa in kulanka cawada uu Messi ciyaarta siwanaagsan kaga dhexmuuqdo in kabadan Ronaldo oo sanadii hore naadigiisa Realmadrid ka gacan siiyay ineey garaacaan Barcelona Kulankii ugu danbeeyay ay iska hor imaadaan,sidookalena usahlay ineey qaadaan Horyaalka wadankaas.

5-Barcelona oo si wanaagsan ku bilaawday Horyaalkan:waxyaabaha sida weyn niyada ugu dhisaya ciyaartoyda Barcelona ay cawada Real ku garaacaan koobka super Cup-ka waxaa kamid ah iyagoo kulankodi ugu horeeyay 5/1 kusoo garaacay naadiga Real Socidad,sidookale dhamaan ciyaartoyda Barca ayaa soo bandhigay mid walbo ciyaar aad loola dhacay,sida kabtanka kooxdaas Puyol oo gool madaxa ku daah furay iyo bandhig ciyaareedka wanaagsanuu sameeyay ciyaaryahan Cristian Teo.

Taas badalkeeda xerada tababarka Realmadrid waxaa hareeyay murug, kagadaal markii ay barbaro 1/1/ ladhaafi waayeen naadiga Valencia,iyo sidookale dhaawaca soo gaaray xidiga Pepe oo aan ka qeyb qaadan doonin kulanka cawada.

Sidookale waxyaabaha cawada saacidi doona tababare Tito Vilanova inuu guushiisa ugu horeesay cawada ka gaaro Real waxaa kamid ah isagoo garoonka soo galin doona in badan oo kamdi ah ciyaartooydii xulka spain usahashay ku guuleeysiga Tartanka Euro 2012.

Qaab ciyaareedka labada Naadi:

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here