Falanqeyn iyo Warbixin ku saabsan shirka London

Saakay oo ay Taariikhdu ku beegantahay 7-da bisha May, waxaa magaalada London ka furmaya shirka Caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay wada shir gudoomin doonaan Ra’iisul wasaaraha Britain Devid Cameron, iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Wufuud ka kala socota in kabadan 50 wadan iyo waliba hay’adaha Caalamiga ah ayaa ka qayb galaya kulanka.

Shirkaan ayaa waxyaabaha diiradda lagu saari doono ayaa waxaa kamid ah sidii taageero Caalami ah loogu heli lahaa Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amaanka, Cadaalada iyo maareynta Maaliyada.

Shir midkan lamid ah ayaa waxa uu ka dhacay isla magaalada London bishii February sanadkii 2012.

Waxyaabaha laga filayo shirkaan:

Kumeel gaarkii waa laga baxay, doorashana waa la qabtay, sidoo kale madaxweyne ayaa dalka gudihiisa lagu doortay markii ugu horeysay mudo 20 sano ka badan, kooxda Al-shabaabna waxaalaga saaray magaalooyin waaweyn oo ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, milatari ahaana waa la wiiqay.

Doowlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa ilaa iyo mudadaas heleysay aqoonsi Caalami ah, iyadoo wadanka Mareeykanka aqoonsi ka heshay mudo 20 sano kabadan, sidoo kale waxa aqoonsaday dalal kale,dalal badan ayaa safaaradihii dib uga furtay Muqdisho oo ay kujirto Britain.

Hadaba shirka London maantaka furmaya ujeedadiisu waxay tahay sidii lagu taageeri lahaa doowlada Soomaaliya, si ay wax uga qabato arimo dhowr ah islamarkaana hormarka yare e la gaaray horay loogu sii wadi lahaa, qodobadaas waxaa kamid ah amaanka iyo sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidamada hubeysan iyo booliska Soomaaliya, sidoo kale waxaa kamid ah dib u habeynta Cadaalada iyo Garsoorka Soomaaliya, iyo sidii loo maamuli lahaa nidaamka xaga dhaqaalaha ee bulshada.

Doowlada Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa markaasi ineey shirka London kusoo bandhigto qorsho dhamaystiran oo ku saabsan dhinacyada ay u baahantahay in laga taageero.

Waxaa horyaala caqabado kaloo waa weyn oo amaanka arinta ugu weyn ay tahay, taasoo tusaale u ah weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay todobaadkan magaalada Muqdisho, iyo waliba sidii maamulka loo fidin lahaa loona gaarsiin lahaa gobolada dalka.

Si kastaba ha ahaatee shirkaan waxaa laga filayaa dhamaadkiisa war murtiyeed in laga soo saaro, kaasoo muujin doona in beesha Caalamka ay taageero u hesho doowlada Soomaaliya, iyo in lasii kordhiyo dadaalkaas lagu taageerayo doowlada Soomaaliya oo hada ku tiirsan amaanka Ciidamada midowga Afrika, eek u sugan gudaha Soomaaliya.

Aragtida shacabka Muqdisho iyo shirka London:

Dadka reer Muqdisho, ayaa intooda badan ah kuwa ka war dhowraya shirka magaalada London maanta ka furmaya, inkastoo qaraxyo magaalada ka dhacay shalay iyo Tilaabooyin dhanka amaanka ah ay kajiraan, oo wadooyinka qaar xiranyihiin dadka hadal hayntoodana aad arintaas ugu badantahay.

Dadka qaarkiis oo ay aan lahadalnay ayaa waxay soo dhaweynayaan shirkaas, oo waxay aaminsanyihiinin arimaha Soomaaliya markii hore ay ku dhex wareegayeen dalalka gobolka, balse hada arinta Soomaalida ay fogaatay lagana yaabo in waxyaabo muhiim u ah ay kasoo baxaan shirkaan, halka qaar kalena ay qabaan in shirar dibada lagu qabto aysan waxbo soo kordhineen balse ay tahay in Soomaalida iyadu lafteeda ay xal raadiso.

Waxaa sidoo kale jira qaar si cad u diidan sida Al-shabaab oo arintaan ku micneeyay in doowlada UK ay tahay gumeysi hore oo danteeda gaarka ah wadata.

“..Waxaan ka rajeeyneeynaa insha Alaah wax fiican ineey kasoo baxaan Soomaalidana ayw ax ku noqoto, dhibka na haayana aan uga baxno..” sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka reer Muqdisho oo diiday in magaciisa lasoo xigto sababo amaan darted.

Ra’iisul wasaaraha Britain Cameron ayaa mar uu ka hadlayay waxyaabaha uu ka rajeeynayo in shirka London ay kasoo baxaan ayaa waxa uu yiri.

“…Waxaan rajeeyneyna in dhamaanteen aan wada taageeri doono qorsho mudo dheer wax ka qabta amaanka Soomaaliya, oo hubaal ka dhiga in lasoo afjaro Aragagixisada Al-shabaab, waxaan sidoo kale rajeeyneeynaa in horumarin ka sameyn karno isla xisaabtanka iyo fur furnaashaha si dadka ay u ogaadaan halka dhaqaalaha uu ku baxayo, waa in sidoo kale aan sii wadnaa hanaanka dib u dhiska Soomaaliya iyadoo ay miiska wada fadhiyaan ayna ka qayb qaadanayaan dhamaan gobolada Soomaaliya iyo wadamada deriska ah…”.

Somaliland iyo shirka London:

Madaxweynaha maamulka lamagac baxay Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa horay ugu dhawaaqay in Somaliland aysan ka qayb gali doonin shirka Soomaaliya ee London uga furmaya maanta.

Sidoo kale qaadacaada Somaliland ee shirkaasi waxaa si usoo dhaweeyay labada xisbi ee Mucaaradka ah kana jira Somaliland, waa Xisbiyada (UCID & WADANI) iyo baarlamaanka Somaliland, golaha guurtida iyo golaha wakiilada.

Somaliland horay waxay uga qayb gashay shirkii February 2012 ee Soomaalida loogu qabtay magaalada London.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku dooday in shirkaasi hore loogu qaabilay sidii doowladihii kale, islamar ahaantaasina uuna wax ka gudoomineen madaxweynaha Soomaaliya.

Somaliland ayaa sidoo kale ku cel celisay marar kala duwan in ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada ay la leedahay doowlada Soomaaliya iyaga oo si siman u kulmaya.

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxay dhawaan ay ku kulmeen wadanka Turkiga iyadoona qodobo dhowr ah ka koobnaa ay ku kala saxiixdeen kulankaasi, dulucdoodana ay tahay sii wadida wadahadaladaas iyo iskaashiga Nabad galyada iyo ganacsiga.

Hase yeeshee dad badan waxa ay u arkaan sii wadida wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay daabad adag hortaalo mar hadii Somaliland ay leedahay gooni isku taagu waa muqadas, Soomaaliyana ay leedahay midnimada waa muqadas.

Laakiinse 3 bilood ka dib oo ay ku kulmi doonaan markale dalka Turkiga ayaa la arki doonaa natiijada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here