Falanqayn ku saabsan kulanka Quarterfinalka ee FA Cup Chelsea iyo Manchester United

Tababaraha kooxda Chelsea Rafa Benitez, ayaa isku diyaarinaya ciyaarta ay la lee yihiin Isniinta maanta kooxda Manchester United, marka ay ku ciyaaraan garoonka caanka ah ee Wembley Stadium.

Wuxuu ku tirsan yahay kulankan ciyaaraha FA Cup-ka, heerka rubac- dhammaadka iyo ama quarterfinalka.

Chelsea waxaa dib ugu soo laabtay xidiggaha kala ah Juan Mata, Eden Hazard, Ashley Cole, David Luiz, Ramires iyo Demba Ba waxaana macalin Benitez u gartay in ku soo billaabo ciyaarta, maadama ay Chelsea ka maqnaayeen guuldaradii Sabtidii dhawayd kala kulantay Southampton.

Gary Cahill (oo ka dhawaacan anqowga ayaa shaki lagaliyay in uu ciyaari karo iyo in kale, sidaa daraadeed John Terry ayaa dhinaca difaaca iska joogi doona isaga Luiz.

Weeraryahanka reer Senegalese BA ayaa lagu soo billaabi doonaa, waxaa kaloo dib u soo laabtay Mata oo ka maqnaan ciyaartii ka dhacday St Mary wuu xanuunsanaa .

Dhinaca kale, tababare Sir Alex Ferguson ayaa u muuqda mid isbadal sameeyay, maadama ay guul ka gaareen toddobaadkan kooxda Sunderland.

Waxaa u soo laabtay Phil Jones, oo ka cayaara difaaca midig, kaddib markii Rafael ay soo wajaheen dhaawacyo, taasoo ku qasbeysa in uu maqnaando toddobaadkan.

Sidoo kale, Tom Cleverley iyo Ryan Giggs ayaa u muuqda kuwa diyaar maadama la galiyay keyd kulankii Sabtidii.

Dhinaca weerarka, Danny Welbeck iyo Chicharito ayaa loo badinayaa in lagu soo billaabi doono waxaa ku wehliya Nani,halka Antonio Valencia, Ashley Young iyo Robin van Persie lagu cabi doono kursiga keydka.

Difaaca Chelsea Ashley Cole, dhowr jeer ayuu ku guuleestay koobka labaad ee dalka Ingiriiska loogu jecelyahay FA Cup, marka lo eego ciyaartoyda kale ee ka qaybgalaya kulan, illaa 7-jeer ayaa la sheegay in uu goobjoog u ahaa tartankan.

Sheekooyinka kale ee quseeya kulan, waxaa ka mid ah, Juan Mata wuxuu noqday ciyaaryahkii ugu horreeyay ee horiyaalka Ingiriiska Premier League ka dhaliya 10-gool iyo 10-uu gacan ku laha xilli ciyaareedka hadda socda.

Weerraryahanka Manchester United, Chicharito sawirkiisa xaq ayuu u lee yahay in uu ku raaxeesto kulanka ay isaga soo horjeedaann Chelsea.

Sababta ayaa lagu sheegay xidiggan reer Mexico in uu ka qaybgalay shan ka mid ah7-dii kulan ay la yeesheen kooxda  Blues-ka dhammaan tartamada.

Ma jirro ciyaaryahan xilli cireedkan soo gaaray Robin van Persie,

Difaaca bidix Patrice Evra ayaa ciyaaray in ka badan 2,430-daqiiqo ma jirto ciyaaryahan kale oo intaas u ciyaaray kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

MANCHESTER UNITED Ciyaartoyda u safandoona:- Goolhaye De Gea
Jones, Evans, Ferdinand, Evra, Cleverley, Giggs, Welbeck, Rooney, Nani iyo Chicharito

CHELSEA Ciyaartoyda u safandoona:- Goolhaye: Cech Azpilicueta, Luiz, Terry, Cole, Ramires, Mikel, Oscar, Mata, Hazard iyo B,

Labada koox waxa ay iska dhaliyeen illaa 18-gool seddax kulan oo ay yeesheen xilli ciyaareedkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here