[Falanqayn iyo warbixin] Manchester United iyo Manchester City oo isku dhaggan

In kastoo labadan koox uu u dhexeeyo 15-dhibcood, haddana kulankan waa mid derbi oo aad u adag.

Tababaraha kooxda Man City Roberto ayaa sheegay in uu aaminsan yahay horiyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan ay ku guuleesan doonto kooxda Man Un

Labada dhinac ayaa afartii jeer ay kulmeel waxa mid kasta ay badisay 2-jeer, City ayaa 6 iyo 1 ku badisay garoonka Old Trafford halka United ‘3-2 ay ku badisay garoonka Etihad Stadium bishii December.

Robin Van Persie iyo Sergio Aguero wa labada ciyaartooyd ee la soo qaatay kulan ee ka dhex muuqa labada koox xilligan.

Van Persie tan iyo markii uu yimid wuxuu dhaliyay 23 goals dhammaan ciyaarihii uu ka qaybgalay, hadda sagaal kulan wax gool ah muusan dhalin.

Dhinca kale, Aguero, ayaa 30 goal dhaliyay dhamman ciyaarihii uu ciyaaray xilli ciyaareedkii horre.

Xidiggan reer Argentine 13-ciyaar uu ka qaybgalay xilli ciyaareedkan wuxuu dhaliyay kaliye afar gool 15-kii kulan oo ka tirsan horiyaalka Premier League games.

Ciyaartoyda ka maqan Man City David Silva ( dhaawac ayaa ka heesta anqowga ), Samir Nasri ( Dhaawac weeye) iyo Micah Richards (oo dhaawac ka ah bowdada) waxaa kaloo fursad u heli doona kulankan digaacyada Man United sida Matija Nastasic iyo Maicon .

Macalin Sir Alex Ferguson ayaa la filayaa in ay u soo laabteen difaacyada Nemanja Vidic , Johnny Evans iyo Wayne Rooney, balse waxaa maqnaan doona Rafael iyo Darren Fletcher oo labaduba dhaawacan.

Roberto Mancini oo sheegay in kooxda Manchester United ay hanatay horiyaalka Ingiriiska

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa qiray in horiyaalka hadda socda ay ku guuleesan doonto kooxda Manchester United maadama uu u dhexeeyo labada koox farqi 15-dhibic.

Laakin Mancini wuxuu lee yahay ciyaarta berri waan ku dhagi doonaa Man United’, maadama labada koox ay isku dhaggan yihiin.

Wuxuu soo dhaweeyay heshiiska uu saxiixay xidigga qadka dhexe, Yaya Toure oo afar sanno oo heshiis ah saxiixay khamiistii dhawayd.

“Aad ayaan u farrax sanahay, maxaa yeelay Yaya waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka,” Mancini sidaas yiri.

Wuxuu intaas ku daray “Waa ciyaar yahan muhiim u ah kooxda. Yaya wuxuu ciyaari karaa oo uu awood u lee yahay 36 ama 37-daqiiqo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here