Falanqayn iyo warbixin dowladda Ingiriiska oo safaarad ka furatay Muqdisho 22-sanno kaddib.

Calanka Britain oo laga suray safaarada cusub ee Muqdisho
Calanka Britain oo laga suray safaarada cusub ee Muqdisho
Wargeysyada iyo wakaaladaha caalamka inta badan waxa ay aad u qorayaan dowladda Britain oo noqotay wadankii ugu horreeyay ee ka dhisan Yurub oo ku dhiirada in uu safaarad ka furto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, oo in ka badan 22-sanno ay ka socdeen dagaallo wajiya badan qaatay.

Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Willam Heugh ayaa goob u ahaa safaaradda cusub ee Ingiriiska uu ka furtay Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Heugh ayaa ka qaybgalay furitaanka safaaradda oo hadda si kumeel gaar ah ugu shaqeen doonta gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah goob aad loo waardiyeeyo dhinaca ammaanka.

Safaaraddii horre Ingiriiska ayaa ku taalay meel ku dhow dekedda wayn Muqdisho, waxaana tan iyo burburkii dalka ay hooy u ahayd qoosas ka soo cararay dagaalada dalka.

Ingiriiska ayaa hadda safaarad cusub ka dhisanayaa Muqdisho, kaddib markii dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu bixiyay dhul ay ka dhisaneyso Britain safaaradeeda.

Sida uu lee yahay wargeyska The Guardian oo warbixintan qoray, William Hough ayaa wariyaasha u sheegay in Britain ay ku faraxsan tahay in ay noqoto dalkii ugu horreyay ee ka socda midowga Yurub oo safaarad dib uga furta magaalada Muqdisho.

Mr. Heguth ayaa sheegay inta badan shaqaalaha safaaradda cusub ay ku shaqeen doonaan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in uu ay ka soo guuraan ayuu yiri magaalada Nairobi oo hadda deggan yihiin.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku yaalla dhowr safaaradood kuwaasoo ay ka mid yihiin Turkiga, Yemen, Libya, Sudan iyo Ethiopia.

Safaaradda Ingiriiska uu ka furtay Muqdisho ayaa ku soo beegmeysa iyadoo horaanta bisha May ee sannadkan lagu wado in shir caalami ah uu Ingiriisku ku qabto London kaasoo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya iyo sida beesha caalamka u garab istaagi karto dowladda Fedaraalka.

Shirkaas waxa wadajir u qaban doona madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron.

Sida ay lee dahay wakaalada wararka Reuters dhismaha safaaradda cusub ee Ingiriiska waxaa la filayaa in u soo dhammaado bisha July ee sannadkan, inta ka horreysa danjire Matt Bought iyo shaqaalaha la shaqeenaya ay ku shaqeen doonaan dhismo ku meel gaar ah oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ingiriiska waxaa hadda ka muuqda in ay ka go’antahay in uu gacan qabto dowladda cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud taasoo aqoonsi iyo taageero ka heshay waddamo uu ka mid yahay Maraykanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here